Safaaradda Itoobiya Ee Hargeysa Oo Si Weyn U Xustay Maalinta 20 Ginboot

0
673

Picture4Hargeysa(Geeska)-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey sannad-guurada 23-aad ee 20-ka Ginbood, ayaa shalay lagu qabtay Hargeysa.

 Munaasibadan oo lagu qabtay Mansoor Hotel ee  Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu xusay 23-guurada ka soo wareegtay wakhtigii dalka Itoobiya laga xoreeyay dhargigii uu hogaamin jiray Mingiste Hailemariam oo shucuubta Itoobiya dhibaato ku qabeen, Munaasibadan oo si weyn  ay u soo agaasintay Safaraada Itoobiya ee Somaliland ayaa waxa ka qayb-galay safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Brigader General Berhe Tesfaye, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Wasiirka Arimaha Gudaha  Somaliland Cali Warancade,  Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire, Xildhibaano ka tirsan labada Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Saraakiisha Ciidamada kale duwan ee  Qaranka, Madax dhaqameedka Somaliland, Wasiiro iyo Madax ka socota Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya, Jaaliyada Itoobiya ee Somaliland ku dhaqan iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brigader Genaral Berhe Tesfaye, oo ugu horeyn Munaasibadaas  ka hadlay, ayaa six eel dheer uga hadlay faah-faahina ka bixiyey muhiimada ay maalintani shucuubta reer Itoobiya ugu fadhido, waxaanu tilmaamay in 23-sanadood ka hor shacabka reer Itoobiya ka xoroobeen Keligii Taliyihii Mingiste Hailemariam, waxaanu si qoto dheer uga sheekayey dhibaatooyinkii iyo jidh dilkii kala duwanaa ee Mingiste  u geystay Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Itoobiya, dadaal iyo halgan dheer kadibna laga xoreeyey dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in 23-kaa sanadood ay Shacabka Itoobiya ay horumar balaadhan ku talaabsadee, horumar balaadhana ay ka gaadheen Dhaqaalaha iyo baahiyaha aasaasiga ah sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo wixii la mid ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland ee Berhe Tesfaye, waxa kale oo uu tilmaamay xidhiidhka wallaalnimo oo fac weyni ka dhexeeyo  Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay in xidhiidhkaasi meeshii ugu wanaagsanayd marayo isla-markaana Somaliland dhibaatada gaadhaa tahay mid gaadhay Itoobiya, diyaarna u yihiin inay Somaliland wax la qabtaan, Safiirka Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay in xidhiidh nabadgeliyo ka dhexeeyo Somaliland, kaas oo xusay in cid waliba ogtahay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka reer Itoobiya xuska 23 guurada ee Ginboot, isaga oo sidoo kalena amaanay xidhiidhka labada dawladood ka dhexeeya.

Wasiirka Wasaaradda  Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde, oo isna halkaas ka hadlay ayaa hambaliyey guud ahaan Shacabka Itoobiya, waxaanu sheegay inuu ku hambaliyeynayo horumarka ay gaadheen, waxaanu sidoo kale tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ay dhibaato wada gaadhay, oo labada dalba dhibaato ka soo gaadhay Labadii keligii taliye ee Siyaad Bare iyo  Mingiste, waxaanu yidhi “Waxaan Hambalyo u diraya Guud ahaan Shacabka reer Itoobiya, xuska sanad guuradooda 23-aad ee ka soo wareegtay xoriyadoodii, iyaga oo ka xoroobay keligii taliyihii Mingiste, waxa kale oo xusid mudan in anaguna dhibka idin soo gaadhay oo kale aanu kala kulanay keligii taliyihii Siyaasad Bare, iyada oo aan anuguna xusnay todobaadkii hore sannad guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay Madax banaanidayadii,waxaana aad ugu farxsanahay iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dalka, iyo horumarka balaadhan ee ay Itoobiya gaadhay”.

Wasiirka Maalgashiga Dawlad Deeganka Itoobiya Cabdinaasir Maxamed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay xusaan Maalintii ay xoriyadooda dib ula soo noqdeen, waxaanu ka sheekayey horumarka ay ku talaabsadeen, waxa kale oo uu ka waramay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyayaasha Jaaliyada Itoobiya ee  Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama oo iyana halkaas ka hadlay ayaa ka waramaya qiimaha ay u leedahay 23-guurada Ginboot, oo shalay ku beegnayd, waxayna iftiimiyeen in dadka reer Somaliland ay yihiin dad aad u wanaagsan, oo si wanaagsan ula dhaqma.

Dhinaca kale waxa Munaasibadaas lagu soo bandhigay waxyaabaha dhaqanka u ah Itoobiya, heeso ka hadlaya Wadaniyada Itoobiya iyada oo Safiirka Itoobiya  iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ay si wada jir ah u shideen astaanta 23-guurada Ginboot.