Saddex U Naxariiso; Nin Sharaf Lahaan Jiray Oo Dulloobay, Ruux Ladnaan Jiray Oo Caydhoobay Iyo Caalim Jaahil La Noolaan Jiray

0
947

Hargeysa (Geeska)- U Naxariista Nin Sharaf Lahaan Jiray Oo Dulloobay: Ereygan oo maahmaah Carbeed noqday waxa la sheegay in uu asalkiisu ka soo jeedo ereyo la qiimo iyo xikmad ah oo laga soo xigtay nebigeennii sharafta badnaa ee Muxammed (SCW). Sida aynu og nahay marka ay muslimiintu dagaal qaadaan wixii dad gaalada laga soo qabsado qofka soo qabsaday ayaa ay u adeegayaal ahaan jireen waxaana lagu magacaabi jiray addoon. Waxa uu qofkani awood u leeyahay in addoonkiisa uu ka dhigto shaqaale iyo inuu iibiyo.

Dagaal ay muslimiinta la gashay gaalada ayaa ay ku soo qabsadeen dumar ay ka mid yihiin, hablo uu dhalay Kisra oo ahaa boqorkii weynaa ee Rome oo markaa dunida ugu awood badnayd. Asxaabigii weynaa ee Cumar Binu Khaddaab ayaa go'aansaday in uu iibiyo hablan oo uu isagu qayb u helay, nin dillaal ka ahaa addoonta ayaa uu raaciyey hablihii si uu suuqa u geeyo ugana soo iibiyo. Dilaalkii markii uu waxoogaa ku dawaaqayey, sayladda dhexdeedii in uu hayo hablo addoon ah ee aanay weli cid ka iibsan ayaa uu doonay inuu dadka tuso quruxda hablahan uu iibinayo.

Maradii wejiga (Niqaam) ugu xidhnayd ayuu ka dhuftay. Mid ka mid ah hablihii ayaa inta ay xanaaqday dhirbaaxo kulul indhaha ugu saabisay dillaalkii. Waa arrin aan hore u dhici jirin oo addoonku aanu ku dhiirran jirin, sidaa awgeed dilaalkii inta uu xanaaqay ayuu isaga oo ordaya u soo ashkato tegey Cumar, oo uu u sheegay waxa dhacay.

Cumar Bin Khadaab (Rabbi ha ka raalli ahaado ee” aad ayaa uu uga cadhooday falka ay hablahani sameeyeen, isaga oo aan cadho iska ogeyn ayaa uu damcay in inantii falkaak u kacday uu ku dhufto bakoorad uu sidan jiray. Laakiin Cali Binu Abi Daalib oo ag joogay ayaa ka joojiyey, waxa aanu ku yidhi, Waxa aan maqlay in Rasuulkii (SCW) uu innagu waaniyey in saddex nooc oo dadka ka mid ah loo naxariisto, waxa aanu yidhi, “U Naxariista qof sharaf lahaan jiray oo dulloobay, Qof ladnaan jiray oo caydhoobay iyo Caalim ku dhex noolaan jiray dad Jaahiliin ah" Cali waxa uu Cumar u soo jeediyey fikrad ah in aan hablahan boqorku dhalay suuqa loo iib geyn ee inta la qiimeeyo uu isagu bixin doono lacagta lagu qiimeeyo, sidii ayuu ogolaaday Cumar lacagtii oo uu bixiyey, kadib Cali Bin Abi Daalib (Alle ha ka raalli ahood ee) waxa uu hablihii u qaybiyey saddex wiil oo ay kala dhaleen Cali binu Abi Daalib, Cumar Binu Khadaab iyo Abu Bakar Sidiiq.