Saddex Kun Iyo Shan Boqol, Arday Kor U Dhaafaysa Oo Markii Ugu Horaysay Dhacay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland

0
926

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane, ayaa ku dhawaaqay natiijada imtaxaanaadka shahaadiga ah oo markii ugu horaysay ay dhaceen arday saddex kun iyo shanboqol ka badan Somaliland.

Ardaydan dhacday ayaa kala ahaa 1711 arday oo ka dhacay fasalka afraad ee dugsiga sare, halka dugsiga hoose dhexe fasalka sideedaadna ay ka dhaceen arday ah 1806, waxaanu wasiirku daboolka ka qaaday inay tahay midhaha ka soo baxay kadib markii la adkeeyay in ardaydaasi ay imtaxaanaadka qishaan.

Intaas kadib arday ka gadooday dhicitaanka ay imtaxaanaadka shahaadiga ah dhaceen ayaa mudaharaad ka horsameeyay wasaarada waxbarashada kuwaas oo dhagax tuur badan sameeyay, ciidamada booliska ayaa goobtaas soo gaadhay waxaana la xidhay tiro ardaydaas ka mid ah, taliyaha ciidamada booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in aan mudaharaadkaasi keenin wax khasaare ah.

Wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Habane oo ku dhawaaqayay tirada ardayda dhacday iyo kuwa imtaxaanka gudbay waxa uu yidhi “Kal hore marka laysku geeyo dugsiga hoose dhexe oo sideedaad ah iyo sare marka laysku daro inta inga dhacday waxay ahayd 1325 oo u badnaa ka dhexe oo 1022 ahaa,ka sare 303 ayuu ahaa, maanta ka sare waxa ka dhacay 1711,ka dhexena waa 1806, marka laysku daro waxa weeye 3517 sanadkan dhicistu, kal horena waxay ahayd 1325, faraqa u dhaxeeya 2192, maxaa haddaba sanadkan is badalay weeyaan, xafiiska imtaxaanaadku qorshe ayuu dajiyay, qorshahaasina waxa uu ahaa in nin waliba xaqiisa helo.”

Wasiirka waxbarashada oo ka hadlaayay sababta ardayda badan ay u dhacday waxa uu yidhi”Ardaydii magaalada joogtay markaanu ka hadlaynay ee aanu lahayn moobil la’la iman maayo, waar moobil haddii la’la yimaado imtaxaankaagu waa tuurid waxaas dhag looma dhigayn, waxa ay ku sii dareen sida uu Daauud sheegay in inanka lagu qabto ay la dareeraan waayo inankani waxa uu ahaa xaruntii ay wax ku soo ururayeen, markii hore halkaas ayaa lanbarka lagu qorayay oo lacagta lagu diraayay moobilkee doorkan niman laba laba ah ayaa ilaalinaayay niman dhalinyaro ah oo aanu aad ugu mahadnaqayno oo maxadada ka yimi jaamacada Hargeysina ay nala xushay, macalinka laftigiisa ayaa la ilaalinaayay.”

Wasiir Habane oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Imtaxaanku waa uu fududaa marka loo eego imtaxaanadii hore kuma jirin fasalka koowaad,labaad iyo saddexaad ee dugsiga sare fasalka afraad oo kaliyaata ayuu ahaa tilifishankana waa looga dhigaayay laakiin raggii ku talo galay xisaabtaba kumay darsan. waakaas Khaalid 924 ayuu keenay moobil la’aan, waxa uu ka tirsan yahay ardayda Nuuradiin  dalkana isaga ayaa u sareeya, kunkiina waxa uu dhimay 76,kaas ma samadaa loogu dhigaayay mise Hargeysa ayuunbuu joogay isaguba nin waliba maxsuulkiisa ayuu goosanayaa, xafiiska imtaxaanaadka iyo wasaaraduna waxay ka shaqaynayeen in aanu nina xaq aanu lahayn aanu qaadan, xaq uu leeyahayna laga qaadin, anagaba caruur ayaa noogu jirta oo ma garanayno inay dhaceen iyo in kale.”

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa dhankiisa ka hadlay rabshadahaas iyo ardayadii lagu qabqabtay waxa uu yidhi”Waxa dhibaato ah oo weyn ma dhicin sida aad ka warqabteen waxa la yeedhinaayay imtaxaanaadkii fasalada afraad iyo sideedaad markaas dhalinayro dhacday ayaa halkaas ka samasay rabash wax dhib ahina ma dhicin, ciidanka booliskuna waa ay yimaadeen dhalinyaradii dhagaxa tuuraysay boolisku way qabteen, taasna waa la baadhayaa, waxana halkan uga soo jeedinayaa maadaama oo ay wasaaradu wakhti bixisay sida markii dhawayd wasiirku uu sheegay oo qoladaas dhacday la yidhi wakhti kale ayaa la siinayaa inay amaanka ilaaliyaan oo aan si qaldan looga faa’idaysan oo ay nabadgalyada ilaaliyaan.”

Xafiiska imtaxaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland iyo wasaarada waxbarashada oo is kaashanaya ayaa xooga sanadkan saaray sidii meesha looga saari lahaa qishka loo adeegsado moobilada casriga ah iyo taageerada ay ardaydu ka hedho macalimiin laaluush qaadata.