Saddex Hab Oo Aad Iskaga Ilaalin Karto Culayska Nafsiga Ah Ee Shaqada Iyo Goobta Shaqada Ka Dhasha

29
2796

Hargeysa (Geeska)- Dhammaanteen waa aynu ognahay in qosolku uu gudbo ama si fudud u faafo, tusaale ahaan in haddii dad kaftan iyo hadallo maadays ah is dhaafsanaya aad ku soo biirto, in aad adiguna qosolka ku darayso. Haddaba cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in in qof isku-buuq iyo qulub hayo oo aad agfadhiisataana ay sababayso in aad si toos ah uga qaado xaaladda nafsiga ah ee haysa.

Cilmibaadhistan oo ka soo baxday maxakada Max Planck Society oo kaashanaya jaamacadda Farsamada gacanta ee Dresden oo ku taalla dalka Jarmalka, waxaa lagu sheegay in marka aad la rafiiqdo qof duruufo nafsi ahi haystaan, in shucuurta iyo hadallada aad kala kulmaysaa ay awood u leeyihiin in ay adigana kiciyaan hormoonnada qulubka iyo isku buuqa sababa ee maskaxdu soo deynayso.

Daraasad ay faafisay shabakadda wararka ee NBC oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa ku talisay in haddii aad isku aragto xaalad nafsi ah ama diiqad iyo isku buuq oo marka aad dib u fikirto aad garan weydo sabab adiga ah oo aad u tiriso xaaladdan, waxa aad ka fikirtaa bal in ay jirto cid dadka kugu xeeran ka mid ah, sida maamulahaaga shaqada, dadka aad wada shaqaysaan iwm, oo iyagu xaaladdan oo kale maraya.

Dabiibka

Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu ku talisay in marka uu qofku garto halka ay ku sal leedahay xaaladdiisa nafsiga ah, si uu uga bogsado looga baahan yahay in uu tallaabooyinkan hoos ku xusan qaado, si uu uga badbaado xaaladaha nafsiga ah oo awood u leh in ay dhibaato caafimaad darro ku keenaan jidhka iyo maskaxda labadaba:

  1. Iska jir mawqifyada cadaadiska kugu keenaya: Ku dadaal in sida ugu suurtagalsan aad uga fogaato fursad kasta iyo mawqif kasta oo culays ku keenaya acsaabtaada, tusaale ahaan haddii aad aragto laba ka mid ah dadka aad la shaqaynayso oo ka sheekaysanaya culayska iyo diiqadda shaqada ku dadaal in aanad sheeko wadaag la noqon. Sida oo kale haddii aad culays iyo diiqad shaqo dareento isla markaba inta aad kacdo xafiiska dhexdiisa soco ama bannaanka hawada ah u yara bax si aad hawo geddis u samayso; hawogeddisku waxa uu leeyahay laba faa’iido oo ah in uu yareeyo culaysyada nafsiga ah iyo in uu yareeyo raadka diiqadda iyo culayska ku saarani ku yeelan karo dadka kugu xeeran.
  2. Iskaashigu waa muhiim: Ku dadaal in jawiga xafiiskaaga aad ka dhigto mid indhaha soo jiidanaya.
  3. Isbeddelku waa muhiim: Mar kasta oo aad culays nafsi ah ka dareento xafiiska iyo goobta shaqada ama niyadxumo iyo isku buug aad aragto iyo mar kasta oo dadka kula shaqaynaya ama aad u shaqaynayso aad ka aragto wax nafta niyadxumo gelinaya waxaa muhiim ah in aanad naftaada ku eegin culayska nafsiga ah iyo niyadxumada oo aad dhaqso shaqo kale u raadsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here