Sababta Keena Urta Aan Fiicnayn Ee Afka Iyo Liiska Cuntooyin Ay Khubaradu Sheegeen In Ay Sababaan

40
3148

Hargeysa (Geeska)- Khabiir ku xeeldheer caafimaadka iyo daryeelka ilkaha oo lagu magacaabo Harold Kartz ayaa sheegay in urta aan fiicnayn ee afku aanay wax xidhiidh ah la lahayn nadaafadda afka. Balse ay xidhidh toos ah la leedahay noocyada cunto ee uu qofku maalintii cuno.Kartz waxa uu intaas ku daray in cuntooyinka ay ku jiraan iskudhisyada maadadda ah maadadda Salfarku ay yihiin kuwa ugu horreeya ee sababa urta aan fiicnayn ee afka. Waxa kale oo keena urtan oo uu sheegay Kartz cuntooyinka iyo caadooyinka xun xun ee cunto oo sababa in afka qofku uu saldhig u noqdo bakteeriyo dhibaato keenaysa. Kartz waxa uu intaas ku daray, in sababaha kale ee keena urtaas ay ka mid tahay isbedello dhinaca hormoonnada ah oo qofka ku dhaca marmarka qaarkood.Khabiiru waxa uu sheegay liiska cuntooyin uu sheegay in ay fiican tahay in uu qofku cunistooda ka fogaado, haddii uu doonayo in aanu afkiisu yeelan ur aan fiicnayn, ama in marka uu cuno kaddib uu si fiican isaga cadayo, waxa aana cuntooyinkaas ka mid ah, ‘caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto ama cuntada laga sameeyo, hilibka, kalluunka, basasha, toonta, sonkorto, bunka iyo sharaabbada qasacadaysan’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here