Sababta Ay Raggu Uga Cimri Gaaban Yihiin Dumarka

0
10263

Washington (Geeska)- Xaaskiisa ayaa weydiisay, “Maxaad mar kasta ugu malaysaa in aad iga hor dhiman doonto?” Waxa ay ku noqotay su’aal ka yaabisay. Laakiin runtu waxa ay tahay in ay hore maskaxdiisa u degtay xaqiiqada uu maragga ka yahay ee ah in raggu ay ka cimri gaaban yihiin haweenka. Waxa uu si kooban ugu yidhi, “Tirakoobyada la sameeyey ayaa sidaas muujinaya” Ereyadan waxaa maqaal uu qoray ku furfurtay Robert Schmerlin, oo tifatire ka ah bog ay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard ku leedahay internet ka.

Maqaalkan oo lagu faafiyey Joornaal ay isla jaamacaddu soo saarto ayaa uu Robert ku yidhi, “Waa aan ogaa in celcelis ahaan ay dumarku ka cimri dheer yihiin ragga. Tirakoobyada cilmiga ah ee dalka Maraykanka lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in celcelis ahaan dumarka Maraykanku ay 5 sano ka cimri dheer yihiin ragga, marka guud ahaan dunida oo dhan la eegana, dumarku ay 7 sano ka cimri dheer yihiin ragga”

Robert waxa uu sheegay kala cimridheeraanta ragga iyo dumarka laga arki karo xarumaha daryeelka dadka waaweyn, kuwaas oo marka la booqdo dhaqso loo dareemayo in dumarka dad’a ah eek u jiraa ay ka tiro badan yihiin ragga gaboobay ee ku jira. Weliba tirada kala badnaanshiyahoodu ay mararka qaarkood tahay mid si weyn loo dareemayo.

Haddaba axaa jira sababo badan oo ay khubaradu caddeeyeen in ay keenaan in dumarku ay dhimashada kaga yaraadaan ragga, waxa aana kam id ah:

Ku dhiirashada khatarta: Ragga oo ku dhiirashada khatarta kaga badan dumarka. Arrintan ayaa ay khuabradu ku tilmaameen mid xidhiidh la leh abuurta maskaxda ragga iyo dumarka. Tusaale ahaan fuulista mootooyinka, baabuur kaxaynta masaafadda dheer ah, iyo colaadaha ayaa rag ka badan dumarku ay ku dhintaan.

Shaqooyin khatar badan: Marka laga hadlayo shaqooyinka khatarta ku ah nolosha, ragga ayaa kaga badan dumarka. Waxaa ka mdi ah askarta, dab-damiska iyo dhismaha, taas oo ka mid ah sababaha ay ragga geeridu ugu badatay.

Wadne Xanuunka: Xanuunnada wadnaha ku dhaca ayaa ay raggu boqolkiiiba 50 kaga badan yihiin dumarka, sa babaha waxaa ka mid ah hormoonka Estrogen. Ragga oo u tegista dhakhtarka kaga yar dumarka, ayaa iyaduna ka mid ah sababaha, gaar ahaan marka la eego dhiigkarka, kalastaroolka iyo xanuunnada khatarta ah ee ragga ku badan.

Qaro weynaanta: Baadhiso cilmiya oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in nooluhu uu u kala cimri gaaban yahay sida uu qaro ahaan u kala weyn yahay. Sida la ogyahayna raggu inta badan waa ay ka qaro weyn yihiin dumarka, sidaa awgeed waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in ay tani ka mid tahay sababaha ay raggu uga cimri gaaban yihiin dumarka. Laakiin cilmi ahaan weli arrintaas sababteeda runta ah lama caddayn.

Dhexgalka bulshada: Waxa ay daraasaduhu muujiyeen in galaangalka iyo xidhiidhada uu qofku bulshada uu ku dhex nool yahay la leeyahay ay ka mid yihiin sababaha keena cimri dhererka, maadaama oo ay ka dawo yihiin xaalado badan oo nafsi ah. In kasta oo xidhiidhka iyo galaangalka bulshadu aanu ahayn mid cid gaar ah ku kooban, haddana waxa ay khubaro badani aaminsan yihiin in dumarku ay ragga kaga badan yihiin galaangalkaas iyo xidhiidhada bulsho ee ay sameeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here