Sababta Ay Dumarku Isugu Qaldaan Bidixda & Midigta, Iyo Cilmiga Ku Jira Fahamka Dhaqsaha Ah Ee Gabadha

0
773

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa aynu ka soo qaadanaynaa buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

1. Gabadhu Dhaqso uma kala garan karto jihooyinka ay ka xigaan bidix iyo midig

Waxaa jirta qiso dad badani ay maadays iyo dacaayad ka dhigtaan oo muddo dheer soo jirtay. Sannadihii Lixdamaadkii ayaa waxaa dhacay shil baabuur oo ay isku dhaceen laba gaadhi oo is daba socday. Dacwaddii shilkan ayaa la geeyey saldhigii ay khusaysay, iyada oo sidoo kale la kaxeeyey ninkii shilkan geystay oo ahaa ninka watay labada gaadhi ka dambe ee oo isagu ka hore galay. Sarkaalkii baadhista ee saldhiga joogay ayaa ninkii gaadhiga shilka galay watay weydiiyey, “Bal hadda nooga warran sida uu shilkaasi u dhacay?” ninkii ayaa ku jawaabay, “Waxa aan kuugu dhaaranayaa in shilkaasi aanu ahayn shil aan anigu sababtiisa lahaa, Denbigaas anigu ma’ lihi ee waxaa leh gabadh wadday gaadhi aan daba socday oo iga horreeyey…”

Ninkii booliiska ahaa ayaa yidhi, “Laakiin dee iyadu kuma’ ay duqayn ee adiga ayaa gaadhigaaga xagga dambe kaga dhuftay, gaadhiga ay wadatay!” Ninkii darawalka ahaa ayaa ku jawaabay, “Waa runtaa, laakiin dhibtu waxa ay tahay in iyadu ay marka hore shidday ishaarada baydhista ee dhinaca midig. Haddana waxa ay u leexatay dhinacii bidixda ee aan islahaa ka dhaaf… Dee mudane, sidee aan markaa u garan karaa in ay doonaysay in ay dhinacaas bidix u leexato?!!”

Laakiin cilmi ahaan waxaa run ah oo la og yahay in gabadha ay ku adag tahay in ay kala garato bidixda iyo midigta, si gaar ahna waxaa ku adag garashada midigta oo haddii si kedis ah looga dalbado in ay u leexato midig, waxaa ku yara dhaca khal-khal laga yaabo in ay dhaqso u kala garan weydo bidixda iyo midigta. Sababta arrintaasina waa qaab-samayska maskaxeed ee gabadha, oo sida aynu horeba u soo sheegnay ay labada dhinac mar wada shaqeeyaan, halka ninka labada qaybood ee maskaxdiisa mid kastaa mar shaqayso, sidaa awgeed aanay dhib ku ahayn in uu dhaqso ugu leexdo midig marka laga dalbado.

2. Maskaxda ninka qayb kasta oo ka mid ahi shaqo u gaar ah ayaa ay leedahay, Dumarkase Maya…

Waxa ay saynisyahannadu xaqiijiyeen in mararka qaarkood ay dhacdo in shaqo ama hawl isku mid ah ay haddana labada qaybood ee maskaxda ninka iyo gabadhu ku kala duwan yihiin qabashadooda, tusaale ahaan hadalka oo kale, ninka waxaa hadalka u qaabilsan maskaxdiisa qaybta bidixda oo keliya, halka gabadha maskaxdeeda labada qayboodba hadalka ka shaqeeyaan, sidaa awgeed haddii dhaawac (sida dhiig furan) uu soo gaadho qaybta bidix ee maskaxda ninka waxa ay u dhow dahay in uu hadalku ka joogsado ama ugu yaraan hadalku ku adkaado. Halka gabadha haddii xaaladdaas ninka oo kale ku timaaddo ay u dhow dahay in aanay wax dhib ahi ku iman hadalkeeda ama ugu yaraan in aanay ereyada muhiimka ahi ka lumin.

Intaas waxaa dheer in maskaxda ninku ay u shaqayso qaab takhasus ah oo qayb kasta oo maskaxda ka mid ahi ay leedahay shaqo u gaar ah, sidaa awgeed marka uu ninku xog helo, (dhegeysto ama akhristo) waxa ay maskaxdiisu u baahan tahay in ay qayb kastaa qayb u dhiibto si halkeedii loo gaadhsiiyo, oo mararka qaarkood inta labada dhinac dhinac ahaan ay soo marto ay dhinaca kale u soo gudubto, ka hor inta aanu fahmin, ka jawaabin ama dhadhamin macnaha ku duugan, taasina waxa ay keentaa in uu waqti u baahdo uu ku fahmo, laakiin maskaxda gabadha waxa ay u shaqaysaa qaab sidaa aad uga ballaadhan oo qayb kastaa u madax bannaantahay shaqadeed, waxa ay awooddaa  in ay sida ugu dhaqsaha badan qayb kasta oo maskaxda ka mid ahi shaqadeeda u qabsato, sidoo kale waxa ay awooddaa in qaybo badan oo maskaxda ka mid ahi hal mar wada shaqeeyaan iyada oo aan midina mid caqabad ku keenayn.