Sababo Qasab Ka Dhigaya In Aynu Muddo Ka Dheeraanno Barkulannada Bulshada Ee Internetka

0
784

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in waqti badan oo lagu qaato barkulannada bulshadu ay khatar ku tahay caafimaadka qofka. Cilmibaadhistan oo uu faafiyey degelk Bold Sky ee ka faallooda arrimaha caafimaadku waxa ay tirisay qodobbo muujinaya sida uu isticmaalka badan ee barkulannada bulshadu khatar ugu noqon karo caafimaadka, qodobbadaas oo uu Geeska Afrika turjumayna waxa ay yihiin:

1. Miisaanka qofka oo kordha: Marka uu qofku waqti badan ku qaato isticmaalka warbaahinta xidhiidhka bulshada, waxa ay sababaysaa in uu saacado badan fadhiyo, isaga aan mar keliya nuuxsanna maskaxdiisa oo dhan ku jeediyo kombiyuutarka, ama talefanka gacanta, xarakaad la’aantaas oo joogto noqotaana waxa ay keenaysaa in jidhku gubi waayo Kalaariyada (Calories) dheeraadka ah, waxa aanay aakhirka keenaysaa in miisaanka qofku si aad ah u kordho. Waxa ay khubarada cilmibaadhisahan samaysay ku talinayaan in qofku mararka qaarkood muddo ka haajiro isticmaalka barkulannada bulshada ee internet ka oo ay ka mid yihiin; Facebook, Twitter, Snap Chat, Instagram, iwm.

2. Niyad-jabka iyo culayska nafsiga ah:Caadi ahaan marka uu qofku si joogto ah ula socdo wararka iyo xaaladaha quruxda badan iyo guulaha nololeed ee ay gaadheen saxiibbadii, macaariifta iyo guud ahaan dadka faciisa ah ee ay ku soo bandhigaan bogagga barkulannada bulshada, waxa uu khatar u yahay in uu niyadjab iyo calool xumo ka qaado, haddii aanu isaguna tirsanayn in uu guulo kuwaas la mid ah ama u dhigma gaadhay.

Tusaale ahaan waxaa dhacda in niyadda qofku ay isbarbar dhig ku samayso noloshiisa dabiiciga ah ee daalka  iyo diifta bada, iyo nolosha dadkaas laga yaabo in uu u arko in iyaga oo aanay dhib tiisa la mid ahi soo gaadhin, ay haddana farxad iyo badhaadhe ku  nool yihiin, taasina ay ku keento niyad-jab iyo xaalado nafsi ah oo aan fiicnayn.

Waxa ay xeeldheerayaashu xuseen in xaaladdani aalaaba ku badan tahay dhaliyarada sida aadka ah u isticmaalka barkulannada bulshad, sidaa awgeed ay fiican tahay in qofku aanu waqti badan ku qaadan si aanu noloshiisa ugu dhererin nolol kale oo cid kale haysato.

3. Xidhiidhka bulsho ee qofka: Waxa ay daraasaddani ogaatay in isticmaalka badan ee barkulannada bulshadu uu la dagaalamo galan-galka bulshada iyo dabeecadaha bulshaawinimo ee qofka, in qofku uu haleeli waayo in uu waqti sheeko iyo haasaawe kaftan la qaato qoyska, saaxiibbada iyo guud ahaan bulshada ku xeeran, taas oo la og yahay in ay qofka ka ilaalinayso qulubka iyo guud ahaan xaaladaha nafsiga ah, halka isticmaalka badan ee barkulannada bulshaduna ka sii kordhiyo.

4. Xusuusta: Cilmibaadhiso cusub oo marar kala duwan soo baxay ayaa daahfuray in isticmaalka badan ee Kombiyuutarka, talefanka gacanta iyo qalabka la midka ahi, ay daciifiso maadadda qaybteeda gray Matter oo ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee dhinaca xusuusta, sidaa awgeed sidaa awgeed waxaa si muuqata hoos ugu dhacda xusuusta qofka.

Dhakhaatiirta caafimaadkuwaxa ay ku taliyaan inqofku uu iska jiro in waqti aad u badan uu ku qaato isticmaalka qalabka tiknoolajiyadda ee kombiyuutarka iyo talefannada casriga ahi ka mid yihiin, si uu u badbaadiyo xusuustiisa.