Sababma Ayaa Uu Nebi Muxammed (SCW) U Door Biday In Timir Lagu Afuro?

0
739

ssssssssRiyaad (Geeska)- Sida ku cad sunnaha Rasuulka, Nebigu (SCW) waxa uu aad u tixgelin jiray in timirtu ay noqoto cuntada ay tahay in muslimiintu ay ku bilaabaan afurkooda xilliga ramadaanka. Dr. Khaalid Jaabir ayaa diiwaanka Internet ka ee Cabdallah Bin Cabdalcasiis oo ka faallooda arrimaha caafimaadka waxa uu ku yidhi, “Nebigii (SCW) waxa uu helayey cuntooyin tiro badan oo uu ku afuro, sida hilib, maraq iyo khudrado kala duwan. Markaa in uu doorto timir, ma dadaal uun isaga dhinaciisa ka yimid ayaa uu ahaa? Ma timirta ayaa ahayd cuntada ugu sarraysa ee xilligaas Madiinah taallay? Mise, in uu timir doortaa waxa ay ahayd waxyi xagga Alle uga yimid? Dhammaan arrimahaas waa suurtgal, in midkood keliya lagu sheegaana waa ay adag tahay” Dr. Jaabir ayaa intaas ku sii daray, “Baadhitaanno aanu ku samaynay xidhiidhka timirta iyo caafimaadka waxa aanu ku ogaannay in timirtu ay tahay khudrad caafimaad oo barakaysan, iyo cuntada ugu mudan in uu ku afuro ruuxa af xidhnaa” Digtoorku oo hadalkiisa sii wadaa waxa uu sheegay in timirta ay ku badan tahay sonkorta nooceeda sida dhaqsaha ah u milanta ee jidhku degdegga u nuugi karo, jidhka qofka soomanina uu xilliga afurka u baahan yahay cunto dhaqso kor ugu soo qaadda macaanka, taas oo aanay jirin cunto kaga habboon timirtu.

Maqaalkan uu Geeska Afrika turjumay waxa uu digtoorku ku sheegay in shaybaadho kala duwan oo ay sameeyeen muujinayaan in timirtu waxyaabaha kale ee ay ku fiican tahay ay ka mid yihiin dufanka oo aad ugu yar, sida caafimaad ahaan fiicanina ay tahay in qofku uu ku afuro cunto dufanku ku yar yahay, waayo dheefshiidku waqti badan ayaa uu ku qaataa shiidista iyo nuugista dufanka, waana shaqo aanu markaas diyaar u ahayn maadaama oo uu muddo dheer shaqo la’aan ahaa.