Sababaha Khuraafaadka Ah Ee Ay Dadka Qaar Aaminsan Yihiin In Ay Hargabka Keenaan Iyo Aragtidda Dhakhtarka

0
620

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira sababo badan oo dadka qaar ay la tahay in ay keenaan hargabka, inta badanna ay ka gaashaantaan iyaga oo aaminsan in ay taasi tahay hab hargabka ay kaga hortegi karaan. Laakiin khubarada caafimaadku ay xaqiijiyeen in ay yihiin khuraafaad oo aanay ahayn sababta keenta xanuunka Hargabka ama duriga.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah sababaha ay dadku aaminsan yihiin in ay durayga keenaan, balse khubarada caafimaadku ay aaminsan yihiin in ay khuraafaad tahay:

1. Dadka qaar ayaa aaminsan in haddii marka ay maydhaan ay guriga ka baxaan timahooda oo aanay si fiican u qallajin in ay keento durayga. Khubarada caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in xanuunka Hargabku uu ka mid yahay xanuunnada uu keeno Fayrasku, sidaa awgeed qoyaanka madaxu aanu wax xidhiidh ah la’ lahayn.

2. Dhar adag oo la xidho xilliga qabowgu waxa ay ka hortagtaa hargabka. Cilmibaadhiso caafimaad oo kala duwan ayaa daahfuray in dharka la gashanayo nooca ay yihiin aanay wax xidhiidh ah la’ lahayn xanuunka Hargabka. Waxaa dhici karta in qofku isaga oo mar kasta ku labbisan dhar aad u adag, haddana in uu hargab ku dhaco, waayo Fayraska sida hargabku waxa uu raacaa neefta oo noqonaysa sanka.

3. Dad badan ayaa aaminsan in Faytamiin C oo jidhka ku yaraadaa ay keento Hargabka. Khubarada caafimaakdu arrintaas waa ay ka soo horjeedaan, waxa aanay cilmi ahaan og yihiin in Fayraska keena Hargabku uu sida aynu hore u soo sheegnay neefta raaco.

Laakiin waxaa laga yaabaa in dadka sidan aaminsani ay ku qaldayaan arrintan, xaqiiqada ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen ay tahay in Faytamiin C gu uu jidhka siiyo awood uu dhaqso iskaga saari karo Fayraska jidhka gala. Waana sababta keentay in qofka Hargabka qaba mararka qaarkood lagula taliyo in uu Faytamiin C qaato. Waxaa xusid mudan in markan laga hadlayaa ay tahay marka uu Fayraska Hargabku jidhka gudihiisa galo ee aanay ahayn in uu ka hortagayo.