Sababaha Keena In Xilliga Ramadaanka Dadka Qaar Ku Naxaan Iyo Sida Ugu Fiican Ee Looga Feejignaan Karo

0
674

Qaahira (Geeska)- In kasta oo bisha Ramadaan ay dadka soomaa saacado aad u badan cunt iyo biyo laa’n ku joogaan, gaar ahaan marka ay sida sannadahan u dambeeyey dhacayey ay k usoo hagaagto bilaha xagaaga. Haddana waxaa marar badan oo kale dhacda in la arko dad Ramadaanka ku sii naxaa, halkii laga filayey in miisaankoodu hoos u dhaco.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa ay sheegaysaa dhowr arrimood oo sabab u ah in miisaanku uu qofka ku kordho xilliga ramadaanka, waxa aan ugu horreeya uguna muhiimsan dadka oo xilligan oo kale aan isku mashquulin in ay raacaan nidaam cunto qaadasho oo badqaba.

Tusaale ahaan in qofku uu qaato, afar, casho suxuur, isaga oo saddexda waqtigaba ku talaxtegaya isticmaala cuntooyinka dufanku ku badan yahay, waxa aanay arrintaasi meesha ka saaraysaa faa’idada soonku caanka ku yahay ee ah in soonku uu aad u aawiyo in miisaanku dhaco, maadaama oo xaddiga cunto ee la unayaa ay ka yar tahay inta la cuno waqtiyada kale. Sababaha kale ee bisha Ramadaan keeni kara in miisaanka qofku kordho waxaa ka mid ah:

1. Qofka oo cunto badan cuna inta u dhexeysa afurka iyo suxuurtu waxa ay keentaa caajis iyo wahsi badan oo qofka ku dhaca, waxa aanay bilow u noqotaa miisaanka qofka oo aad u kordha.

2. Macmacaanka iyo guud ahaan  cuntooyinka ay Kalooriyada ku badan yihiin oo la badsado xilliga ramadaan. Waxa aana inta badan arrintan dhiirigeliya fikir qaldan oo ah in dad badani aaminsan yihiin in jidhku xilliga Ramadaanka u baahdo sonkor iyo macaan badan si uu u helo tamartii iyo firfircoonidii maalinnimadii kaga luntay gaajada, laakiin arrintaas liddigeeda ayaa ay qabaan khubarada nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada, oo iyagu ku talinaya in macaanka soonka kaaga baxay ay soo celinayaan dhowr xabbo oo timir ah, kuwaas oo ku filan sonkortii jidhku u baahnaa ee maalinnimada kaa baxday.

3. Cuntooyinka dufanka badan lagu shiilo sida saambuusaha, kabaabka, quraacyada iwm ayaa ay khubaradu sheegeen in ay ka mid yihiin sababaha miisaanka qofka kordhiya xilliga soonka.

4. Caloosha oo aan cuntada loo diyaarin, maadaama oo ay muddo dheer oo ka badan 12 saac cuntada ka maqnayd. Waxa ay khubaradu sheegayaan in diyaarinta iyo baraarujinta caloosha ay ka mid tahayin qofku afurka  koob ah sharaab aan aad loo qaboojin, sonkorna lagu darin iyo dhowr xabbo oo timir ah, waxaa intaasba ka horreeya isaguna koob biyo ah oo aan qaboobayn. Marka uu qofku intaas cuno waxaa fiican in uu cuntada joojiyo muddo 10 illaa 20 daqiiqo ah, ka dib uu markaas bilaabo cunista cuntada rasmiga ah ee u qorshaysan.

5. Jimicsi la’aanta iyo qofka oo raaxada iyo fadhiga badsada, gaar ahaan afurka kadib ayaa ka mid ah sababaha keena in xilliga Ramadaanka uu miisaanku aad u kordho.

6. Cuntada kadib oo toos loo seexda, ayaa iyaduna leh khatar ah in qofka uu miisaan dheeraad ahi fuulo bisha soonka. Waxa ay khubaradu ku talinayaan in aanu qofku isku badin afurka, in cashada kadib uu lugeeyo illaa 30 daqiiqo maalin kasta, iyo in uu ku dadaalo in uu macmacaanka iska daayo oo halkooda uu geliyo khudrado, si aanu miisaankiisu u kordhin.