Sababaha Ay Raggu Uga Nugul Yihiin Dumarka Marka Laga Hadlayo Iska Difaaca Cudurradda

37
3538

Lonodon (Geeska)- Saynisyahanno reer Yurub ah ayaa ogaaday in raggu ay hargabka iyo xanuunnada dhaxantu keento uga nugulyihiin dumarka. Drs. Beatrix Grobek-Lobenstein oo ku xeeldheer caafimaadka habdhiska difaaca ayaa baadhiso caafimaad oo ay muddo dheer ku samaynaysay kala duwanaanshiyaha hab-dhiska difaaca ee ragga iyo dumarka waxa ay ku ogaatay in kala duwanaanshiyaha habka jawaabta uu u bixiyo habdhiska difaaca ee ragga iyo dumarku ay sabab u tahay in raggu ay dumarka ka xanuun badan yihiin.

Drs. Beatrix oo ka tirsan jaamacadda Innsbruck ayaa xaqiijisay in unugyada difaaca jidhka ee weerara xanuunka soo galaa ay kala awood badan yihiin taasina ay tahay sababta xanuun isku mid ah labada qof midna dhaqso uga bogsado midna ay waqti ku qaadato. Gaar ahaan marka laga hadlayo Fayraska dhaliya hargabka.

Cilmibaadhista oo sii iftiiminaysa sababta kala duwanaanshiyaha awoodda difaaca unugyada difaaca ayaa sheegtay in hormoonka jinsiga ee dumarka oo lagu magacaabo ‘Estrogen’ uu dumarka u leeyahay faa’idada ah in uu laba-laabo unugyada difaaca jidhka, halka hormoonka labka ee ‘Testosterone’ uu isagu daciifiyo awoodda difaaca unugyada. “Hormoonka Estrogen waxa uu dardargeliyaa habdhiska difaaca jidhka, halka hormoonka Tetosterone uu isagu burburiyo awooddaas” sidaa waxaa yidhi Marcus Atfield oo ah dhakhtar caafimaad oo shahaadada PhD sita, madaxna u ah hay’adda Heinrich Foundation ee xarunteedu tahay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka oo ka shaqaysa baadhista bayoolojiga fayrasyada xanuunnada aadamaha ku keena. Isaga oo sii sharraxayana waxa uu intaas ku sii daray, “Si ka degdegsiimo badan kana awood badan ragga ayaa ay unugyada difaaca dumarku uga hortagaan koritaanka cudurka ..”

Mar kasta oo uu kor u kaco heerka hormoonka ragga ee Testosterone waxaa taagdarreeya habdhiska difaaca, taas oo macnaheedu noqonayo in ninka dhabta awooddiisa ragannimo buuxdaa uu mar kasta ka xanuun qaadis badan yahay ka ay ragannimadu ku yar tahay.

Si kastaba ha ahaato ee cilmibaadhayaashu weli ma’ hayaan sababo rasmi ah oo ay u sibir saaraan kala duwanaanshiyaha difaaca ragga iyo dumarka, sababtuna waa habdhiska difaaca oo la aaminsan yahay in malaayiintii sano ee aadamuhu jiray uu isbedello badani ku dhaceen, taasina qasab ka dhigayso in baadhis dheeraad ah oo xeeldheer lagu sameeyo si arrintan fasiraad loogu helo.

Dhinaca kalana Drs. Beatrix Grobek-Lobenstein ayaa sheegtay in awoodda uu hormoonka Estrogen siiyo difaaca dumarku ay aad u sii badan tahay inta ay gabadhu ku jirto da’da dhalmada, laakiin marka ay ka gudubto uu hoos u dhaco. Waxa kale oo ay sheegtay in hormoonka ragga ee Testosterone aanu keli ku noqon karin daciifinta habdhiska difaaca balse ay sida oo kale jiraan sababo kale oo keena in raggu ay dumarka uga nuglaadaan cudurqaadista; waxaa ka mid ah habdhaqanka ninka, deegaanka iyo ragga oo nidaamka cunto qaadasho ee qaldan dumarka kaga badan, isla markaana aan tallaalada cudurrada lagula dagaalamo kaga yar dumarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here