Sababaha Abuurka Ah Ee Keena In Ninku Uu Yeesho Hab-Dhaqanka Iyo Macaamilka Dumarka Lagu Yaqaan

0
1048

Picture7Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Sababta kenta wiil astaamo iyo dabeecado dheddig leh iyo gabadh iyaduna wiilka shabbahda:

Sida aynu qormo hore kaga soo warannay, Lix toddobaad marka uu ilmuhu ku beernaado uurka hooyadii, kadib ayaa uu jidhkiisu bilaabaa in uu soo daayo hormoonnadii aynu hore u soo sheegnay in ay jaan-goynayaan jinsiga ilmaha. Haddaba mararka qaarkood waxaa dhacda in hormoonnadaasi aanay ku filnaan in ay dhamaystiraan shaqadoodii ahayd in ay xaddidaan jinsiga ilmaha. Waxaana lagu qiyaasaa in xaaladahan oo kale ay dhacaan boqolkiiba 15 illaa 20 jeer oo ka mid ah xaaladaha abuuranka ilmaha. Looma jeedo in aanu ilmihii labada jinsi midna raacayn, (Taasi waa labeebnimada oo iyaduna waa xaalad kale oo cilmiya) laakiin xaaladda aynu ka waramaynaa waa hormoonnadii oo awood u leh in ay jinsiga ilmaha yar sameeyaan, waayo taasi samaysanka ilmaha ayaabay aas-aas u tahay, in ay haddana dhacdo in ay hormoonnadu awoodi waayaan in maskaxdu ay yeelato dabeecadaha iyo hannaanka shaqo ee jinsiga uu yahay ilmuhu looga bartay. Waana sababta keenta in aynu aragno wiil marka si aad ah loogu fiirsado hab-dhaqankiisa laga dareemayo awoodo iyo fikir ama macaamil dhiddig.

Dhinaca kalana haddii ilmaha uurka ku jiraa uu yahay dheddig, laakiin xilliga abuuranka uu jidhku soo saaro xaddi hormoonnada lab ah, waxaa dhacaysa in inantaas yari hadhow yeelato dabeecado iyo hab-dhaqanno ragga u gaar ah, waana xaalad dhacda oo lagu arko qiyaas ah boqolkiiba 10 hablaha dhalanaya marka dunida oo dhan laga hadlayo. Sida uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xiganayo buuggan ay qortay Ellen Willer, cilmi baadhayaasha sayniska oo baadhay sababaha keeni kara in ilmaha uurka ku samaysmaya jidhkiisu soo daayo hormoonno aan ahayn kuwa jinsiga uu dhab ahaan yahay ayaa waxa ay taasi ka iman kartaa diiqadda iyo culayska nafsiga ah oo hooyada ku bata xilligaas ku beegan samaysanka ilmaha, diiqadda iyo culayska nafsiga ahina waxa ay inta badan keenaan in ilmaha jidhkiisu uu aad u soo saaro hormoonka laboodka, xataa haddii ilmuhu uu dheddig yahay. Sidoo kale waxa ay khubaradu sheegeen in ay jiraan dawooyinka la isticmaalo qaarkood oo arrintan keeni kara, waxaana ka mid ah marka waalidku isticmaalo dawada macaanka.

– Cilmi-baadhayaashani waxa kale oo ay isla sidaas oo kale u fasireen, sababaha keeni kara dhaqan xumada ah in ninku nin hungureeyo ama gabadhu ay gabadh hungurayso jinsi ahaan. Khal-khal iyo nidaam la’aan ku timaadda hormoonnada lab ama dheddig oo dhaca marar yar oo ka mid ah marka uu korniinka maskaxdu socdo, gaar ahaan waa inta u dhaxaysa toddobaadka Lixaad illaa siddeedaad ee uurka hooyada ee, ayaa keena in ilmuhu marka uu koro uu daneeyo ama hungureeyo ruuxa jinsigiisa ah, (Balse waa imtixaan iyo cudur uu iska xakamayn karo). Ugu dambayntiina; qasab ma’aha in ninku