Saamiga Ay Beelaha Somaliland Ka Kala Heleen Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Iyo Tirada Ergada Beel Walba Uga Soo Qayb Galaysa

0
696

Picture6Hargeysa(Geeska)-Iyadoo shirweynaha xisbiga KULMIYE uu qorshaysanyahay inuu qabsoomo 22 March, waxa ay shalay guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE ansixiyeen ergooyinka ka qayb geli doona shirweynahaas xisbiga, oo lagu soo xuli doono hab beeleed.

Ergooyinkan ka soo qayb geli doona shirweynaha xisbiga oo tiradoodu dhantahay 949 xubnood, waxa ay beelaha Somaliland u kala heleen sidan:

Subeer Awal: 206

Arab: 113

Harti: 113

Garxajis: 94

Samaroom/ciise: 160

Habarjeclo: 206

Ayuub : 19

Toljecle: 19

Others: 19

Waxa jira sida la sheegay beelaha qaarkood oo ka cabanaya saamiga ay heleen, laakiin tiradan ayaa ah ergada rasmiga ah ee beel walba uga soo qayb geli doonta shirweynaha xisbiga, waxaanay guddiga fulinta xisbiga KULMIYE tirdooyinkan ansixiyeen ka dib markii ay dhawr maalmood doodo adag isku horfadhiisteen.