Saadaasha 2018: 20 Dhulgariir, 1 Bilyan Oo Qof Oo Noloshoodu Khatar Ku Jirto Iyo Waqtiga Maalinta Oo Ka Badan Doona Sida Hadda Uu Yahay

41
3269

Hargeysa (Geeska)- Saynisyahanno dhowaan saadaaliyey dhacdooyinka dabiiciga ah ee dunidu filan karto sannadka foodda innagu soo haya ee 2018 ayaa ka digay suurtagalnimada in ay aad u korodho tirada dhulgariirrada wax burburiya ee dunida ka dhici doona sannadka soo socda, waxa aanay aaminsan yihiin in isbeddel ku dhici doona xawaaraha wareegga dhulku ku socdaa ay sii badinayso firfircoonaanta dhulgariir iyo korodhkiisa, gaar ahaan deegaannada ku dhow dhulbadhaha ee dadku sida aadka ah u deggen yihiin.

Sayniyahannadu waxa ay caddeeyeen in inkasta oo uu aad u yaryahay isbeddelka ku dhacaya xawaaraha wareegga dhulku, haddana ay taasi wax ka beddelayso dhererka maalinta ee aynu hadda naqaanno, iyaga oo ku kordhin doonta qiyaas ah hal ilbidhiqsi oo kun meelood loo qaybiyey meel ahaan (Millisecond). Waxa kale oo ay keeni doontaa in ay soo baxdo xaddi aad u badan oo tamarta dhulka hoostiisa ku jirta ahi.

“xidhiidhka ka dhexeeya wareegga dhulka iyo dhulgariirka xoogga badan, ayaa inoo ishaaraya in sannadka soo socdaa uu noqon doono mid ay dhowr dhulgariir oo darani dunida ka dhacaan” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah saynisyahannada saadaashan sameeyey oo u warramay wargeyska The Observer. Xeeldheerahan oo lagu magacaabo Belham ayaa intaas ku sii daray, “Arrintu waa ay iska caddahay, waxa uu dhulku inooga digayaa suurtogalnimada in ay innagu soo fool leeyihiin muddo illaa shan sano ah oo dhulgariiro ka dhacayaan dunida .. gaar ahaan sannadka soo socda oo aynu dareemi doono kor u kac badan oo dhinaca dhulgariirrada dunida ka dhacaya ah, marka la barbardhigo sannadkan oo 6 jeer oo keliya uu dhulgariir dunida ka dhacay, waxaa sannadka 2018 ka la filayaa illaa 20 dhulgariir”

Wargeyska The Observer oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa sheegay in dhulgariirradaas tiradoodu kordhayso aan la saadaalin karin meelaha ay ka dhacayaan iyo in ay ka dhici doonaan meelo aan hore looga baran, waxa se ay xeeldheereyaashu filayaan in ay u badan doono deegaannada ku xeeran dhulbadhaha oo dadka ku nool lagu qiyaaso illaa hal bilyan oo ruux dunida oo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here