Dadka Ingiriiska Asalkooda Waxa Uu Ahaa Afrikaan Midabkoodu Madow Yahay Oo Qaaradda Cagaaran Ka Yimi

51
3741


London (Geeska)- Dadka Ingiriiska ahi waxa ay ka soo tafiirmeen awoowyo hore oo madow Afrikaana ahaa, kuwaas oo dhulkaas gaadhay xilliga ay taariikhdu ku sumadday casrigii dhagaxa ‘Stone age’ ka. Arrintan waxaa xaqiijinaysa natiijada ka soo baxday cilmibaadhis xiise gaar ah yeelatay oo ay saynisyahannadu ku baadheen lafaha madaxa qolfoofkii ugu horreeyey ee laga helo Ingiriiska, oo ay sheegeen in uu ahaa qof noolaa muddo hadda laga joogo 10 kun oo sano ka hor.
War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa lagu sheegay in saynisyahanno Ingiriis ahi ay ku guulaystaan in ay dib isugu rakibaan, qolfoof Cheder ah oo yaalla matxafka taariikhdii dabiiciga ahayd ee London. Waxa ay u sameeyeen qaab qof dhammaystiran, gaar ahaan muuqaalkisia wejiga. Waxa aana ka soo baxay in uu qolfoofkani ahaa qof midabkiisu madow yahay oo leh muuqaalka guud ee Afrikaanka.
Madow indho buluuga leh
Wargeyska The Daily Telegraph ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegay in qolfoofkan laga aaminsan yahay in uu yahay dadkii hore ee isir ahaan ay dadka Ingiriisku ka soo tafiirmeen. Iyaga oo caddeeyey in uu midabkiisu madow ahaa, laakiin nooca DNA giisu uu weli ku jiro inta badan ee dadka Ingiriiska dhaladka ah.
Cilmibaadhis kaddib waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ‘jiilalkii hore ee dadka deggen Ingiriisku ay muuq ahaan wax badan la wadaagayeen dadkii Afrika ku noolaa casrigii dhagaxa; kuwaas oo ahaa dad midabkoodu madaw ahaa, laakiin indhahoodu ay ahaayeen buluug, waana sababta uu wargeyska Times ee ka soo baxa Ingiriisku markii uu warkan qorayey cinwaanka uga dhigtay, “Aadamihii ugu horreeyey Ingiriisku waxa uu lahaa indho buluug ah iyo maqaar madow ah” wargeysku waxa uu ka soo xigtay xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey in qolfoofkan tijaabada lagu sameeyey oo ah ka la socda qormadan ay saynisyahannadu xaqiijiyeen in uu ahaa qof da’da labaatanaadka ku dhintay muddo hadda laga joogo 10 kun oo sano, waqtigaas oo marka taariikhda la eego ku beegan markii ugu horreysay ee dhulka Ingiriiska la degey.
Baadhisaha ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan matxafka Taariikhda dabiiciga ah ee Ingiriiska ayaa waxaa gacan siiyey jaamacadda London College, waxa aanay ahayd isku daygii ugu horreeyey inta la og yahay ee la doonayo in lagu ogaado midabka runta ah ee ay lahaan jireen dadkii hore ee Ingiriiska bilowgii degey, iyada oo la adeegsanayo habka baadhista DNA ga, waxa aana ka soo baxday in midabka madowga ahi uu yahay kii asal ahaan ay u lahaayeen dadka Ingiriiska ah iyo in badan oo ka mid ah dadyowga deggen woqooyiga Yurub.
Waxa ay saynisyahannadu sheegeen in ay mar dambe ahayd markii uu bilowday in uu isbeddel ku dhaco midabkii asalka ahaa ee Ingiriiska oo isu beddelay midab caddaan ah ama furan sida ay u dhigeen xeeldheereyaashu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here