Ruushka Oo Culayskii Milatari Ka Qaaday Ukraine

0
669

Ciidamada Ruushka ee todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa xaduuda u dhaxeysa dalka Ukraine iyo Ruushka ayaa dib halkaasi looga celiyey.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa arrintan u xaqiijiyey Angela Markel madaxa dowlada Germany oo ay khadka taleefonka kuwada xidhiidheen.

Ciidamada Ruushka ayaa horey ulla wareegay jasiirada Crimea oo hada ku biirtay federaalka Ruushka, waxaana laga cabsi qabay ciidamada Ruushka inay sidoo kale gudaha u galaan magaalooyin ku yaal koonfurta iyo Bariga Ukraine oo ay ku badan yihiin dadka Ruushka ah.

Raysalwasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay markii ugu horeysay jasiirada Crimea.