Rumayso Ama Ha Rumaysan: Ilmuhu Isaga Oo Uurka Ku Jira Ayaa Uu Kala Yaqaannaa Afafka Lagu Hadlo

0
1255

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in ilmuhu isaga oo uurka hooyadii ku jira, marka ay dhalashadiisa bil keliyi ka hadhsan tahay uu bilaabo in uu kala fahmo luuqadaha kala duwan ee ay ku hadlayaan dadka ku xeeran hooyadii. Waxa ay saynisyahannadu sheegeen in ilmaha uurjiifka ahi uu si fiican u maqlo codadka ku xeeran, kalana garan og yahay afafka kala duwan isaga oo ku garanaya laxanka iyo qaab-dhaca dhawaqa codadka luuqadda.

Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska Daily Mail ayaa cilmibaadhayaal ka tirsan xarunta caafimaadka ee jaamacadda Kansas ee dalka Maraykanku waxa ay ku sheegeen in ilmuhu maalmo yar kadib dhalashadiisana ay kobcaan unugyada maskaxdiisa ee caawinaya fahamka iyo barashada afafka kala duwan, arrimaha lagu garto ee ay khubaradu tijaabiyeenna waxaa ka mid ah qaabka uu garaaca wadnaha ee ilmaha iyo neefsigiisa iyo xitaa xarakaadka jidhkiisu uga jawaabayaan nooca cod ama dhawaqa muusikada ee agtiisa ka baxaya.