Rumayso Ama Ha Rumaysan: Fasaxa Waqtiga Dheer Ah Iyo Raaxadu Waxa Ay Khatar Ku Yihiin Caafimaadka Qofka

1
1213

Washington (Geeska)- Tiro badan oo ka mid ah dhakhaatiirta caafimaadka ayaa  shaaca ka q aaday in fasax dheer oo uu qofku ama muddo uu yareeyo dhaqdhaqaaqa jidhka iyo shaqada maskaxdu ay saamayn taban ku yeelato caafimaadkiisa iyo caqliyaddiisa bani’aadamnimo.

Saynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska oo arrintan baadhis ku sameeyey ayaa sheegay in fasaxa waqtigiisu dheer yahay iyo qofka oo badda xeeligeeda iyo goobaha nasashada uun isku kooba isaga oo aan xarakaad iyo jimicsiyo kala samaynayn waxaa kordha cabsida laga qabo in ay ku dhacaan cudurrada khatarta ah oo dhimasho xitaa keeni kara. Dhinaca kalana saynisyahanno ka tirsan jaamacadada Erlingen ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in shaqada maskaxdu ay yaraato si ay u nasato marka uu qofku shaqo la’aan iyo warwar la’aan meel kelidii iska fadhiyo, waxa aana ka dhashay hoos u dhac ku yimaadda awoodda garasho ee qofk.  Halka hurdo badan oo u uqofku seedo, tusaale ahaan in sagaal saac ka badan xilliyada fasaxa shaqo uu ku jiraa ay raad taban ku leedahay caafimaadka.

Hore ayaa ay u soo baxeen cilmibaadhiso kale oo iyaguna ka digay dhibaato caafimaad oo qofka ku iman karta haddii shaqada iyo xarakaadka maskaxda iyo jidhku ay yaraadaan.

Muddo ka horna saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Liveroool ee dalka Ingiriiska in maydhashada iyo jiifsiga xeelliga badda ee inta badan lagu nasto muddo dheer ay sababto in qofka ay ku dhacaan xaaladaha geerida dhaqsaha ah ee keeni kara.

Waxa ay natiijada cilmibaadhisahani muujiyeen in dadka waqtiyada aadka u badan ku qaata wax-qabasho la’aan iyo iska fadhi nasasho ah, isla markaana aan waxba ka beddelin noocyada cunto ee ay isticmaalayaan iyo xaddiga ay ka cunayaanba ay ku dhacdo dhibaato dhinaca muruqyada ah iyo in dufanku ku urur meelo jidhka ka mid ah, sidaa aweged waxa ay khubarada caafimaadku ku taliyeen in qofku marka uu fasaxa ku jiro ama aanu shaqo badan qaban uu si joogto ah u sameeyo jimicsi jidheed iyo in uu xubnaha iyo maskaxdaba ka shaqaysiiyo si caafimaadkoodu u ilaashanaado.

 

Comments are closed.