Roobakii Gu’ga Oo Ka Curtay Somaliland

0
470

Hargeysa(Geeska)-Roobabkii gu’ga ayaa shalay ka curtay deegaano ka tirsan Somaliland, waxaanay roobabku shalay gelinkii dambe ku hooreen deegaano ka tirsan gobalka Hawd, gaar ahaan deegaanada galiga Gumburaha, Sayla iyo Bali Cabane.

Raxmaadka ayaa si wanaagsan u maasheeyay deegaanadaas uu ku hooray oo ay bulshadu baahi u qabtay. Sidoo kale deegaanada ku teedsan xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Baligubadle ayay iyagana roobabku maasheeyeen shalay ilaa habeen hore.

Bulshada Somaliland ayaa bishii u dambaysay si weyn u sugaysay raxmaadka Eebbe.