Roobab Dabaylo Xoog Badan Wata Oo Dhaawacyo, Dhimasho Iyo Khasaare Hanti Ah Ka Geystay Hargeysa

0
636

Hargeysa (Geeska)-Alle ha u naxariiste  waxa Roobkii Shalay galab ka da'ay Magaalada Hargeysa ku geeriyooday sadex qof kuwaas oo kala ahaa laba nin iyo qof dumr ah, laba iyo labaatan  kalena  waa ay ku dhaawacmeen.

1

Roobkan oo watay dabaylo xoog badan ayaa sidoo kale waxa uu waxyeelo u geystay dhismayaal badan oo uu dumiyey, halka kuwo kalena uu ka qaaday saqafkii sare. Dhismayaasha uu waxyeelada roobkani u gestay waxa ka mid ah Dugsiyo uu ku jiro dugsiga Quule Aadan Dool (Ex Axmed Gurey) oo fasalada qaar saqafkii sare uu ka qaaday, halka ay jiraan dhismayaal badan oo iyana uu dumiyey, waxa uu sodoo kale qaaday boodhadhii ka dhex taagnaan jidadka waaweyn ee magaalada Hargeysa iyo xadhkihii laydhka siday ee magalaada dusheeda marayay.

Xadhkahan laydhka ee uu roobku daadiyay ayaa saamayn ba’an ku yeeshay dadka reer Hargeysa iyagoo dareen argagax leh ka muujiyay xadhkahaa uu laydhku daadiyay wadooyinka magaalada dhexdeeda.

Saddexda ruux oo ku kala dhintay degmooyinka Gacan Libaax, 26 Juun iyo Axmed Dhagax, mid ka mid ah oo haweenay ah waxaa gurigeeda ku soo dumay fooq dhismihiisu ka socday guriga dhinaciisa, kaas oo sababay in uu dumiyo gurigii oo ay gabadhaasi ku ku dhimatay, laba ruux oo kalanak u dhaawacmeen, halka nin waayeel ahna uu xaafadda Goljano ku qabsaday laydh ka dhashay xadhig go’ay oo biyaha dhex galay, ninkaas oo dhaawac ahaan loo geeyey cisbitaalka weyn ayaa isna waqti gaaban kadib halkaas ku dhintay, ninka kalana waxaa ku soo dumay deyr.

Dhinca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay Cusbitalka Hargeysa ku booqday dadkii ku wax yeeloobay roobabka, isla markaana waxa uu ilaahay uga baryay inuu caafimaad sareecan ah siiyo.

Roobabka oo galabnimadii gaabnayd da’ay awgeed khasaaraha ma’ay suurtogelin in si buuxda xalay loo soo wada koobo, waxa aana jirtay cabsi ah in uu intaas ka sii badan karo, lagana yaabo in guryaha qaar dad ku dumeen, sidaa awgeed waxaa xalay heegan aad u sarreeya la geliyey gawaadhida gurmada deggdegga ah ee dhoolliga loo yaqaanno iyo sidoo kale dab-demiska waxa aana bulshada looga digayey in ay ka feejignaadaan xadhkaka laydhka.

Marka laga tago dhibta uu gaystay roobkani waxa uu qaboojiyay magaalada oo maalmihii u dambeeyey aanu roob ka di’in dabaylo boodh badan kicinayaana ka jireen.