Ronaldinho: “Gabriel Jesus Waxa Uu Xidignimada Dunnida Bedeli Doonaa Messi”

Published on Feb 14 2017 // Ciyaaro

Xidigii hore ee kooxda Barcelona iyo qaranka Brazil  ee Ronaldinho ayaa shaaca ka qaaday in da’yar ka reer Brazil ee dhawaan kusoo biiray kooxda Man City ee Gabriel Jesus uu la wareegi doono awoodda uu Lionel Messi ku heysto kubada cagta, waa sida uu aaminsan yahay Ronaldinho’e.

Ronaldinho oo ka hadlayey awoodda uu leeyahay da’yarka dhawaan ay lasoo wareegto kooxda Guardiola ee Manchester City kaas oo durba qabsaday hadal heynta horyaalka Premier League.isagoo dhaliyey goolal gaadhaya 3 gool kaliya saddex kulan oo uu saftay.“Manchester City waxey heshay ciyaariyahan aad u qaaliya [Gabriel Jesus]” ayuu yidhi Ronaldinho.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay inuu noqon doono xidiga dunida dhawaan, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu intaasi raaciyey “Laga yaabaa inuu noqdo xidiga bedeli doona Messi, waxa uu leeyahay mustaqbal wanaaagsan”

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!