Rocco Martino: Ka Ganacsigii Basaasnimada

Published on Sep 08 2017 // Googooska Geeska

Qoraalkii Majdi Kaamil iyo Turjumaddii Kamaal A. Cali

Rocco Martino oo dashay sannadkii 1938-kii, waa basaas Talyaani ah oo kaalin weyn ka qaatay buunbuunintii iyo faafintiintii xogtii ku caan baxday ‘Been abuurkii Keegga Cagaaran’ kadib markii uu taliyihii xafiiska CIA ee magaalada Roma Jeffrey W. Castelli u gudbiyey dhukumantiyo leh calaamadda dawladda Nijer oo sheegaya in uu jiro qorshe sir ah oo dalka Nijer uu Ciraaq kaga iibinayo maadadda Yuuraaniyaam ee Nukliyeerka laga sameeyo.

Jeffrey markiiba waa uu fahmay in waraaqahan uu basaaska Talyaaniga ahi u keenay ay been abuur yihiin, laakiin haddana waxa uu si badheedh ah waraaqihii uu ogaa in ay been yihiin ugu diray taliska dhexe ee CIA, isaga oo ka dhigaya xog la helay.

Basaaskan talyaaniga ahi waxa uu ku andacooday in uu yahay nin iskii ugu shaqaysta ka ganacsiga xogta sirdoonka ah ee uu soo helo. Laakiin waxaa jira warar xaqiijinaya in uu ka tirsan yahay sirdoonka Milateriga ee dalka Talyaaniga.

Been abuurkii Yuraaniyaamta ee Nijeer

Waxa ay ahaayeen dhukumantiyo been abuur ah oo markii hore ay faafisay wakaaladda sirdoonka milateriga ee Talyaaniga oo magaceeda loo soo gaabiyo SISMI. Warqadahan ayaa been cad oo badheedh ah ku sheegay in Saddaam Xuseen uu dalka Nijeer ee qaaradda Afrika ka iibsaday ciidda Yuraaniyaamta ee loo adeegsado bacariminta ama nafaqaynta Nukliyeerka.

Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku iyaga oo xujo ka dhiganaya xogtan oo dabcan ay ogaayeen in ay been abuur yihiin ama ugu yaraan sarkaalka soo diray uu ogaa in aanay run ahayn ayaa ay qaramada Midoobey hordhigeen dood sheegaysa in Ciraaq ay doonayso in ay iibsato qalabka iyo maaddooyinka u sahlaya in ay hubka sida ba’an wax u gumaada samaysato.

***

Rocco Martino oo caan ku ah, ‘Ganacsadihii sirdoonka’ waa oday Talyaani ah, oo Talyaaniga iyo Yurubta galbeedba caan ku ah ‘Lataliye amni’ laakiin xogo iyo faahfaahinno sirdoon oo aad u faa’ido badan siiya dawladaha shisheeyaha iyo warbaahinta.

Mid ka mid ah masuuliyiinta sirdoonka ee dalka Faransiisku, ayaa sheegay in Martion uu u iman jiray iyaga iyo sirdoonnada kalaba, isaga oo xogo in ay ka iibsadaan doonaya. Waxa uu sarkaalkani sheegay in uu dhowr jeer u soo bandhigay in ay ka iibsadaan xogo sirdoon oo uu ku andacoonayey in uu ka helay saaxiibbo hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Talyaaniga oo ka siro badan ka helay dalkii la odhan jiray Yuguslaafiya.

Warka uu sheegay Rocco Martino ee la xidhiidha Nukliyeerku waxa uu culays iyo warwar gaar ah ku abuuray dalka Faransiiska. In kasta oo sirdoonka Faransiisku uu ogaa in Martino ay caado u ahayd ka ganacsiga xogaha sirdoon, haddana hore ugama ay baran in uu arrimo sidaa u xasaasi ah galo, weliba waxaa si gaar ah uga yaabiyey sirdoonka Faransiiska in Martino uu warkan muhiimka ah lacag aad u yar ku doonayey.

Martino waxa uu sirdoonka Faransiiska u ogolaaday in inta aanay lacagta siinin ay iska eegaan waraaqihii magaca dalka Nijeer sitay ee uu ku sheegayey in ay yihiin heshiis ay Ciraaq ku iibsanayso macdanta Yuraaniyaamta. Muddo yar kadib ayaa xeeldheerayaasha sirdoonka Faransiisku baadhis ay ku sameeyeen dhukumantiyadan waxa ay ku aqoonsadeen in waraaqahan uu basaaska Talyaaniga ahi sitay oo watay calaamadda iyo shaambadda dawladda Nijeer ay yihiin waraaqo laga xaday safaaradda dalka Nijeer ku leeyahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Waraaqahaas oo ahaa dhukumantiyo kale oo arrimo kale ku qoran yihiin ayaa si badheedh ah loo been abuuray, oo inta xogtii ku qornayd la tirtiray oo madaxii warqadda ee calaamada Nijeer ahaa iyo shaambaddii la daayey lagu qoray qoraal cusub oo laga dhigayo heshiis ay Ciraaq iyo Nijeer ku kala iibsanayaan macdanta Yuuraaniyamta. Sirdoonka Faransiisku waxa kale oo uu ogaaday in horraantii bishii koowaad ee isla sannadkaas la soo xaday waraaqahan. Masuuliyiinta sirdoonka Faransiiska ayaa markii ay ka bogteen baadhistooda la xidhiidha waraaqahan waxa ay guddoonsadeen waraaqahan ay ku jiraan warar is burinayaa, oo aanay suurtogal ahayn in sirdoonka Faransiisku uu qaato ama xogta ku jirta rumaysto, sidaa awgeed waxa ay waraaqaha dib ugu celiyeen basaaskii soo xaday ee Martino, iyaga oo u sheegay in aanay anfacayn.

Sirdoonka Faransiisku waxa uu basaaskan Talyaaniga ah u diiday in uu siiyo lacagtii ay marka hore ee waraaqaha uu u keenay ku heshiiyeen, maadaama oo ay u arkayeen in waxa uu u keenay aanay sax ahayn. Si kastaba ha ahaato e’ Maraykanku arrintan aad ayaa uu u danaynayey, xiise gaar ahna u qabay in warku run noqdo, si uu marmarsiinyo uga dhigto dagaalka Ciraaq uu la maagganaa, sidaa awgeed waxa uu sirdoonka Faransiiska ka codsaday in uu kala shaqeeyo sidii warkaas looga soo xaqiijin lahaa gudaha dalka Nayjer oo uu hore Faransiisku u gumaystay.

Masuuliyiinta sirdoonka Faransiiska oo ka jawaabaya dalabkaas oo uu weliba Maraykanku aad u degdegsanaa, waxa ay si dhaqso ah xeeldheerayaal sirdoon oo tiradoodu 5 ama 6 tahay ugu direen Nijeer iyaga oo faray in la soo dedejiyo baadhitaanka arrintan. Kooxdan la diray markii ay tegeen Nijeer ee ay baadhitaanno kala duwan sameeyeen waxa ay waayeen wax raad ah oo muujinaya in uu heshiis Yuraaniyaamta la xidhiidhaa dhex maray Ciraaq iyo Nijeer ama xitaa in ay muuqdaan ifafaalooyin laga dheehan karo in qorshe iib oo Yuraaniyaamta la xidhiidha ay labada dal leeyihiin.

In kasta oo warbixinta ka timid sirdoonka Faransiisku ay sidaa cad Maraykanka ugu iftiimisay in aanu jirin wax marag ah oo arrintan muujinaya, haddana masuuliyiinta sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo laanta sirdoonka milateriga ee wasaaradda difaaca oo kaashanaya madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Dick Jenney iyo masuuliyiin xafiiskiisa ka tirsan, ayaa diiday in ay aqbalaan natiijada uu sirdoonka Faransiisku keenay. Waxa aanay dhegaha ka furaysteen dhammaan talooyinkii iyo xogtii warbixinta Faransiiska ku jirtay. Dhinacyadan kala duwan ee Maraykanku waxa ay ku sii adkaysteen in ay si kalsooni ka muuqato uga hadlaan in Saddaam Xuseen uu Yuraaniyaam ka iibsanayey Nijeer. Waqtigaas oo ahaa bishii Sagaalaad ee sannadkii 2002, waxa masuuliyiintan Maraykan sii wadeen hadalladii iyo warbixinnihii ay sida kalsoonida leh ugu sheegayeen in taliska Ciraaq uu dadaal adag ugu jiro sidii uu u heli lahaa maaddooyin Nukliyeer ah.

Warbixin qiimayn ahayd oo ay wadajir u soo saareen CIA iyo sirdoonka milateriga ee Maraykanka ayaa iyaduna ku andacootay in Ciraaq ay horena isugu dayday imikana dadaal xooggan ugu jirto in ay hesho Yuraaniyaamta, gaar ahaan nooceeda lagu magacaabo Keegga-cagaaran (Yellowcake).

Mar dambe oo isla bishaas ahayd, ayaa sirdoonka Ingiriisku isna soo saaray warbixin uu ku sheegayo in dawladda Ciraaq ay dadaal ugu jirto sidii ay u yeelan lahayd hubka wax-gumaada. Waxa ay warbixintu sheegtay in Ciraaq ay dadaal adag ugu jirto sidii ay qaaradda Afrika uga soo iibsan lahayd xaddi aad u badan oo Yuraaniyaam ah. Waqtigaas wakaaladda sirdoonka dhexe ee Maraykanka CIA weli waa ya ka shakisnayd xaqiiqada warkan, in wararka aanay rumaysnayn warkooda sheegaya awoodda Nukliyeerka ee Ciraaqna waxaa marag ka ah ku-xigeenkii agaasimaha guud ee CIA-da, John McLaughlin oo mar uu hortegey guddida sirdoonka ee golaha Kongareeska Maraykanka si arrimahan looga waraysto sheegay in ay isaga la tahay in sirdoonka Ingiriisku uu buunbuuniyey warka sheegaya in Ciraaq ay dadaal ugu jirto sidii ay Afrika uga soo iibsan lahayd Yuraaniyaamta.

Agaasime ku-xigeenka CIA isaga oo sii wada hadalkan uu u jeediyey guddidu waxa uu intaas ku sii daray, “Waa aanu daraasaynay warbixinaha Ingiriiska ee arrintan la xidhiidha, oo wax lagu kalsoonaan karo kuma aanu arkin”

Basaaskii Talyaaniga ahaa ee Martino kuma uu niyadjabin dhirbaaxadii uu kala kulmay sirdoonka Faransiiska ee u soo celiyey xogtii sirdoon ee uu siday. Bishii Noofambar ee sannadkaas oo dhan Martino waa uu sii waday iskudaygii uu doonayey in uu iibiyo xogtii ku qornayd waraaqihii uu hayey ee sheegaysay in Ciraaq Yuraaniyaam ka iibsanayso Nijeer.

Ugu dambayn Martino waxa ay is fahmeen oo uu dhukumantiyadii sirdoonka Faransiisku diiday ka iibiyey haweenay warfidiyeen Talyaaniya ah oo ka shaqaynaysay majaladda Panorama oo ka soo baxda Talyaaniga. Haweenaydan oo lagu magacaabo Elisa Betriope waxa ay dhukumantiyadan ka sii satay 18 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Elisa markii dhukumantiyadan ay soo iibsatay iyada oo rumaysan waxa ay damacday in ay ku qortay majalad ay u shaqaynaysay, laakiin waxaa hor istaagay tifatirihii majaladda oo u sheegay in marka hore ay la xidhiidho Maraykanka si ay u hubiso bal in dhukumantiyadaasi ay yihiin wax la isku hallayn karayo xaqiiqadooda. Elisa iyada oo amarkan fulinaysa ayaa ay u tagtay safaaradda Maraykanku ku lahaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga waxa aanay siisay nuskhado ka mid ah waraaqahan sirta ahaa ee ay iibsatay iyo wixii ay tafaasiil dheeraad ah ka haysay arrintan. Waxa aanay ka codsatay in safaaraddu ay ku xidho waaxda wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan amniga gobalka, si warkan xaqiiqadiisa ay ula hubiso.

Sida uu sheegay nin hore uga tirsanaan jiray masuuliyiinta sirdoonka Maraykanku, dhukumantiyadan iyo warbixintan ay haweenayda wariyaha ahi ku ladhay waxaa loo diray xafiisyada ay arrintu khusaysay, gaar ahaan xarunta dhexe ee CIA iyo waaxda sirdoonka milateriga ee wasaaradda difaaca ka tirsan, oo nuskhad ka mid ah warbixintan ay u kala dirtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku, kadib markii ay ka heshay safaaradda Maraykanka ee Talyaaniga. Waxa kale oo ay wasaaraddu isla xogtan u dirtay hay’ado kale oo amni oo Maraykan ah.

Waraaqahani waxa ay ugu dambayntii gaadheen khubaro ku xeeldheer Nukliyeerka oo ka tirsan wakaaladda sirdoonka milateriga iyo sida oo kale khubaro tamarta ku takhasusay oo ka tirsan golaha amniga qaranka ee Maraykanka. Sida muuqata cid keliya oo ka mid ah ha’yadahaas dawladda Maraykanka amniga u qaabilsanaa ee dhukumantiyadan la tusay kuma ay guulaysan in ay si deggen oo fiirsi leh u baadho dhukumantiyada, gaar ahaanna in ay dhugmo u yeelato hubin xeeldheer oo lagu sameeyo faahfaahinta ku qoran dhukumantiyadan, magacyada ku xusan iyo taariikhaha, meelahaas oo haddii dhukumantiyadan laga eego laga fahmi kari lahaa in ay been abuur yihiin.

Markii ay soo baxday in warkani uu been yahay Martino waxa uu waraysiyo siiyey wargeysyo kala duwankale, isaga oo sheegay in dhukumantiyadan sirta ah uu ka helay gabadh ka tirsan shaqaalaha gudaha ee safaaradda uu dalka Nijeer ku leeyahay magaaalada Roma ee xarunta Talyaaniga. Martino waxa uu ku dooday in gabadhani ay hore ula shaqayn jirtay sirdoonka Talyaaniga, sidaa awgeedna uu aaminsanaa in xogta waraaqahan ku qorani ay run tahay. Waxa uu ku andacooday in goor dambe oo ahayd sannadkii 2002 uu ogaaday in waraaqahani ay been abuur ahaayeen. Isaga oo sheegay in uu aad ula yaabay sida ay waraaqihii oo la ogaaday in ay been abuur yihiin haddana meel kasta oo dunida ka mid ah warkooda looga qaatay. Martino hadalladiisa arrintan khuseeya waxaa ka mid ahaa, “Faylkaas ayaa wareegayey, warbixinno laga diyaariyey ayaa iyaguna la wareegayey meel kasta oo dunida ka mid ah, madaxweyne George Bush iyo raysalwasaarihii Ingiriiska Tony Blair ayaa meel kasta kaga hadlayey waxyaabihii ku qornaa dhukumantiyadan iyaga oo aan si toos ah u sheegayn in xogtan ay sheegayaan ay ka keeneen dhukumantiyadan. Marka aan talefishanka daawado waxa aan rumaysan kari waayi jiray warka dhegahayga ku soo dhacaya ee arrintan la xidhiidha”

Dhammaadkii bishii Oktoobar ee 2003 ayaa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA waxa ay warqad u soo dirtay ku-xigeenka lataliyaha amniga Qaranka ee dalka Maraykanka Steven Hadley. Waxa ay u sheegaysay in khudbad uu madaxweyne Bush jeedin lahaa oo la diyaariyey laga jaro inta tilmaamaysa Yuraaniyaamta Afrika ay Ciraaq ka soo iibsatay” Qoraalka CIA du u soo dirtay Guriga Cad, waxa ay ku xustay sababta ay u dalbanayso in khudbadda madaxweynaha laga jaro hadalka la xidhiidha Yuraaniyiinta la sheegayo in Ciraaq Nijeer ka iibsatay. “Xaqiiqada warkan iyo kalsoonida lagu qabi karo halka uu warku ka soo baxay, waxaa ka taagan muran aan weli dhammaan” ayaa ay CIA ku doodaysay.

Waxa kale oo qoraalkeeda ay wakaaladda sirdoonku ku xustay in taliy-ku-xigeenka hay’adda CIA markii uu ka hor hadlayey guddida sirdoonka ee Golaha Kongareeska uu ka hor caddeeyey in Ingiriisku uu ku talaxtegey arrintan. Sidaa awgeed aanay fiicnayn in arrintii ku talaxtagga lagu tilmaamay ee Ingiriiska uu haddana madaxweynaha Maraykanku ku hadlo.

In kasta oo digniinahaasi ka soo baxeen CIA, haddana wasiirkii arrimaha dibadda ee Maraykanka oo xilligaas ahaa Colin Paul iyo lataliyihii amniga qaranka ee Maraykanka oo ahayd Condoleezza Rice iyo sida oo kale masuuliyiin sare oo kale oo dawladda Bush ka tirsanaa waxa ay ku sii adkaysteen sheegidda warka Yuraaniyaamta la sheegayo in Ciraaq ay Afrika ka soo iibsanaysay.

Dhammaadkii bishii Noofambar ee sannadka 2002 ayaa ay Washington heshay warbixin kale oo sheegaysa in basaas Maraykan ah oo ka tirsanaa waaxda dembi baadhista ee ciidamada badda, isla markaana ka hawlgeli jiray hawlaha argagaxiso la dirirka ee dekedda Marseille ee dalka Faransiiska, uu maalin maalmaha ka mid ah talefan ka helay ganacsade u dhashay galbeedka Afrika, waxa aanu u sheegay in uu hayo xogta labaatan foosto oo ah maadadda Yellowcake (Keegga Huruudda ah oo ah nooc ka mid ah Yuraaniyaamta oo budo aan biyaha ku milmayn ah).

Ganacsadahani waxa uu basaaska u sheegay in foostooyinkani ay ku xaraysan yihiin dekedda Kutunu (Cotonou) loona diyaariyey in loo raro dalka Ciraaq. Kutunu waa magaalada ugu weyn dalka, isla markaana ah dekedda ugu weyn xeebta koonfureed ee dalka Benin oo ku yaalla galbeedka Afrika.

Isla markiiba sarkaalkani waxa uu warbixintii isu dhaafiyey laanta dembibaadhista ee ciidamada badda Maraykanka oo iyaguna u gudbiyey wakaaladda sirdoonka Maraykanka. CIA waxa ay la soo xidhiidhay hay’adaha ammaanka Faransiiska, gaar ahaan Laanta amniga gudaha, Wasaaradda difaaca iyo sirdoonka Faransiiska iyaga oo ka dalbanaya in arrinta warbixin fiican laga siiyo.

Benin waxa ay ka mid tahay dalalka uu Faransiisku soo gumaystay xorriyaddii kadibna saamaynta weyn ku yeesha siyaasaddooda, afka rasmiga ah ee lagaga hadlaana waa Faransiiska.

Faransiisku waxa uu mar kale arrintan Yuraaniyaamta darteed Afrika u diray koox baadhitaan oo soo xaqiijisa faahfaahinta la xidhiidha, gaar ahaan goobtan loo tilmaamay iyo si guud dalka Benin oo dhan.

Sida uu xaqiijiyey masuul hore uga tirsanaan jiray CIA labada kooxood ee Faransiisku baadhista ugu diray Afrika waxa ay soo xaqiijiyeen arrintii ay marka horeba Faransiisku aaminsanaayeen ee ahayd in maaddooyinka uu ganacsadahaasi sheegay ay yihiin kuwo ay gacanta ku hayso dawladda Faransiisku oo aanu jirin qorshe loogu dirayo dalka Ciraaq iyo xitaa dal kale. Isla waqtigaas, gaar ahaan bishii Jeenaweri ayaa xoghayihii milateriga ee safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay magaalada Abidjan ee caasimadda dalka Ivory Coast waxa uu booqasho ku teget dalka Benin, waxa aanu tegey bakhaarada ay foostooyinku yaalleen si uu isagu u soo hubiyo waxa jira.

Sida markii dambe ay caddeeyeen baadhayaal uu golaha odayaasha ee Maraykanku arrintan u saaray, foostooyinkaas kuma ay jirin wax muhiim ahi. Laakiin iyada oo ay jiraan caddaymahaas tirada badan ee burinaya in Ciraaq ay Yuraaniyaam ka iibsanaysay Nijeer, haddana wakaaladda sirdoonka iyo wasaaradda difaaca ee Maraykanku waa ay iska sii wateen in ay si joogto ah u tilmaamaan warbixintii koowaad ee soo gaadhay ee sheegaysay in Ciraaq Yuraaniyaam iibsanaysay, waanay ka dhex muuqatay dhammaan warbixinahoodii Ciraaq illaa laga soo gaadhayey bishii Juun ee sannadka 2003.

Safiirkii waqtigaas Maraykanka u fadhiyey Qaramada Midoobey John Negroponte ayaa si cad dawladda Ciraaq ugu eedeeyey in ay dadaal ugu jirto in Yuraaniyaam ay Ciraaq ka soo iibsato. Masuuliyiinta sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa iyaguna si ula kac ah isaga dhegomariyey digniinihii ay ku celcelinayeen saraakiisha waaxda sirdoonka ee wasaaradda arrimaha dibadda, (Waxaa digniinahaas ka mid ahaa in ay been abuur yihiin waraaqaha sheegaya in Ciraaq ay damacday in ay Yuraaniyaam ka iibsato dalka Nijeer), waxa ay qaybiyeen oo ay cid walba gaadhsiiyeen nuskhado ka mid ah dhukumantiyadii sheegayey in Ciraaq ay doonaysay in Yuraaniyaam ay ka iibsato dalka Nijeer.

Markii dooddu halkan soo gaadhay ayaa hay’adda Atoomikada oo ah hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobey oo xarunteedu tahay magaalada Fiyeenna ee dalka Usteri, una xilsaaran xakamaynta iyo la socoshada Nukliyeerka adduunku, waxa ay Maraykanka iyo Ingiriiska ka codsatay in aanay Ciraaq dagaal ku qaadin ee ay muddo dhowr bilood ah iyada fursad siiyaan si ay u baadho oo u hubiso xaqiiqada xogaha ku qoran warbixinaha masuuliyiinta Maraykanka iyo Ingiriiska ee sheegayey in Ciraaq ay Yuraaniyaam ka soo iibsanaysay Afrika si ay ugu samaysato hubka Nukliyeerka.

Bishii Feebarweri ee sannadkii 2003 ayaa masuuliyiinta Maryakanku waxa ay hay’adda xakamaynta Nukliyeerka adduunka ku wareejiyeen nuskhado ka mid ah dhukumantiyadii ay saxafiyaddii Talyaaniga ahayd bilowgii hore soo heshay, oo sida aynu hore u soo xusnay, ay u dirtay Maraykanka iyada oo doonaysay in ay la hubiyaan xaqiiqada warkaas si ay u daabacdo. Dhowr maalmood kadib ayaa Jack Pewit oo madax u ahaa xafiiska baadhitaannada gaarka ah ee wakaaladda xakamaynta Nukliyeerku waxa uu internet ka ka baadhay tilmaamihii ku jiray warbixinta Maraykanku u soo diray hay’addiisa. Pewit iyo masuuliyiintii baadhista la waday waxa ay markiiba xaqiijiyeen in inbadan oo ka mid ah magacyada, taariikhaha iyo cinwaannada iyo xitaa xogaha kale ee ku jiray warbixintu ay ahaayeen kuwo aad u qaldan.

Agaasimihii guud ee hay’adda xakamaynta Nukliyeerka ee Qaramada Midoobey Maxamed Baraadici isaga oo ka duulaya natiijadaas ay gaadheen saraakiisha baadhista ee hay’addiisa, waxa uu hadal u jeediyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey  taariikhdu markii ay ahayd toddobadii bishii Saddexaad ee 2003, waxa aanu u sheegay in dhukumantiyadaasi aanay ahayn kuwo la rumaysan karo”

Si kastaba ha ahaato e’ Maraykanka iyo Ingiriisku warbixinta Baraadici dan kama ay gelin, iyada oo aanay laba toddobaadba ka soo wareegin markii uu Baraadici jeediyey khudbaddana, waxa ay qaadeen weerarkii ay ku qabsadeen Ciraaq. Waxaa yaab lahayd in golaha odayaasha ee Maraykanka ka soo baxday labada toddobaad uun kadib weerarkaas, lagu sheegay in golaha amniga qaranka ee Maraykanka uu qirayo in uu dhacay khalad sirdoon oo la xidhiidhay samaysashada Nukliyeerka ee dalka Ciraaq.

Baaridici khudbaddiisa uu ka hor jeediyey Qaramada Midoobey waxa kale oo uu yidhi, “Baadhistayadii arrintan waxa aanu ku soo gunaanadnay in sannadihii u dambeeyey aanay dhicin in dalka Nijeer ay u suurtogashay ama uu bilaabayba hawl la xidhiidha in uu Yuraaniyaam ka iibiyo Baqdaad. Waxa kale oo aanu aqoonsannay in dhukumantiyadii hore ee sheegayey in iibkaasi jiro ay ahaayeen kuwo la been abuuray. Warbixinihii kala dambeeyey ee arrintan laga soo saarayna aanay wadan caddaymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya xaqiiqada sheegashooyinkaas”

Isla bishaas ayaa CIA ay soo saartay warbixin aan ahayn tii aynu hore u soo sheegnay. Waxa aanay sheegeen in wakaaladdoodu ay marka hore ku go’aan qaadatay xog sirdoon oo been abuur ahayd, qaladna ahayd in la qaato. Waxaa shaki la’aan ah in xarumaha sirdoon ee CIA ku leedahay dalal shisheeye ay si badheedh ah xarunta dhexe ugu soo direen xogo iyo warbixinno qaldan oo iibka Yuraaniyaamta la xidhiidha. Laakiin illaa maanta wakaaladda sirdoonka Maraykanka ee CIA ma’ay caddayn cidda ay u jeedday ee xogtaas been abuurka ah siisay ama dhukumantiyada inta ay been-abuurtay u soo dirtay. Waxa se’ ay masuuliyiinta CIA sheegeen in sababta ciddaas beentay u sheegtay ku kallfitay beentani ay ahayd hunguri lacageed, balse aanay lahayn ujeeddo siyaasi ah, waana sababta keentay in kiiskan loo wareejiyey wakaaladda dhexe ee dambibaadhista Maraykanka FBI si ay baadhis ballaadhan arrintan ugu samayso.

Waxaa iyaduna aan weli caddayn sababta runta ah ee ka dambaysay in sirdoonka Ingiriiska ee marka hore arrintan ku adkaysanayeyna uu dib uga noqday sheegashadiisii hore ee ahayd in Ciraaq ay Nijeer soo iibsatay Yuraaniyaam. Laakiin saraakiil ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ayaa iyagu dhinacooda sheegay in xogtani aanay ka soo gaadhin il keliya, xogta beenabuurka ahna ay arkeen uun bishii Saddexaad ee 2003.

Warbixin baarlamaanka Ingiriisku soo saaray mar dambe ayaa lagu sheegay in habka uu sirdoonka Ingiriis lafagurka iyo hubinta ugu sameeyey warbixinaha sirdoon ee soo gaadhay uu ahaa hab lagu kalsoonaan karo. Si kastaba ha ahaato ee basaaskii Talyaani ee Martino ayaa wargeyska La Republica ee dalka Talyaaniga ka soo baxa u sheegay in Waaxda sirdoonka gaarka ah ee wakaaladda sirdoonka Talyaanigu ay si ula kas ah sirdoonka Ingiriiska ugu gudbisay warka Yuraaniyaamta, laakiin haddana markii dambe ay iska ilaaliyeen in la ogaado in ay arrintaas ku lug lahayd. Masuuliyiinta dawladda Talyaaniga ayaa iyagu warkan diiday oo si adag u deedifeeyey in ay wax lug ah ku lahayd warkan iyo dhukumantiyada been abuurka ah ee ku saabsan iyo in ay war la xidhiidha arrintaas cid u gudbisayba.

Xildhibaannadii baarlamaanka Ingiriiska ee iyagu ka shakisnaa xaqiiqada sheegashada xukuumaddooda ee arrintan la xidhiidha, ayaa iyaguna sii waday dadaalkii ay ku burinayeen natiijada sirdoon ee xukuumadda Ingiriisku gaadhay, iyaga oo tilmaamaya in ay is-diiddooyin badani ku jiraan sharraxaadda rasmiga ah ee xukuumadda Ingiriisku arrintan ka bixisay.

Qabsashadii Ciraaq kadib ayaa Guddi lagu magacaabi jiray Guddida xaqiiqo-raadiska oo ay wakaaladda CIA u xilsaartay arrintan waxa ay soo saartay warbixin nuxurkeedu sheegayo in Saddaam Xuseen uu sannadkii 1991-kii faraha ka qaaday qorshihiisii ahaa in uu samaysto hub Nukliyeer ah. Waxa kale oo ay guddidani sheegtay in aanay helin wax caddayn ah oo u xaqiijiya in wixii ka dambeeyey taariikhdaas hore (1991) ay xukuumadda Ciraaq isku dayday in ay iibsato Yuraaniyaam. Dhammad.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!