Riyadeedii Wanaagsanayd May U Rumoobin Laakiin Adigaa U Rumayn Kara

0
668

Picture2Waagii ay inanta hayd waxa ugu badan ee ay ku fakartaa waxa uu ahaa inay nolasho ladnaan ku dareemi doonto, markay guri yagleesho,waa saadaal wanaagsan oo guurku waa barwaaqo, dhibkuse waxa uu yimi markii odaygeedu uu bilaabay cunitaanka Qaadka wax yar uun kadib markii ay reer noqdeen, tobaneeye ciyaal ah ayay ku dhashay rafaad adag, odayguna lumi xilkii saarnaa, waxa muhiimada koowaad,labaad iyo sadexaadba uu gashaday helitaanka qaadka iyo dul fadhigiisa, reerkuna waxa uu lahaa waxii intaas ka soo hadha.

Hooyadaas nolashii ayaa ku filnaan wayday,markii dhawrkii caruur ahaa ee hore ay ku dul silicday, hada mudo dheer ayay wadooyinka hareerahooda ku iibinaysay Muus,Canbe iyo waxaan dhaamin oo kooryoon ay saartay, ugamase darayn oo masruufka reerka way ka soo saaran jirtay.

Markay aragtay odaygeeda oo aan wax macno ah oo buuran aduunka u joogin, xilna aanu saarnayan, calooshay adkaysatay oo waxay nafteeda ku maaweelin jirtay “inamadaada ayaa ku anfici doona”, wayna saxnayd oo waa ay anfici lahaayeen hadii ay ka leexdaan wadadii aabahood uu ku lumay.

Muddo dheer kadib, wiilasheedii kore oo rag noqde ama ku dhawaade, laakiin kama aragto ifafaale wanaagsan, goordanbe ayuunbay gudayaan,salaadii way hurdaan, duhurkiina waa u dhalandhool,marar badan ayay caloosha iska tidhi waa aabahood oo aan biyo is marin, hayeeshee damiirkeedu arinkaas diid indhahana ka la’lisay.

Hooyadu waa qofka kaliyaata ee bixiya kalgacayl aanay shuruudi ku xidhnayan, umana qalanto in loo rumayn waayo riyooyinkeeda barwaaqada xanbaarsan, dhibkuse waxa uu yimi markii ragu qaadka ku foofay mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdayba.

Arinku kala cadaa, inamadii waa ay hiiftamayaan, waa ay qaadiraysan yihiin,lacag uunbay baafinayaan aanay wadadii lagu heli lahaana haynin, intii ay helaana dabka ayay u saaraan sidii nolshu maanta tahay, maxay hooyo samaysaa kuwanina waa aabahood oo aan biyo is marin, amse kaba sii daran. Qalbi jabtay, calooshii ay adkaysatayna laysla soo dhaaf, markan waa maqane jooga,farxad ma taqaano, mana ku fakarto inay helayso, yaabtay oo nasiibka eersatay se kaligeed kuma aha arinkan, isla sheekaysatay oo dhibka ku soo ururisay qaadka oo odaygii iyo inamadiiba ka qaatay.

 

Akhriste hooyo ciilan ayaa taageero kaaga baahan, mid kuu hurtay wixii ay awoodaysay oo dhan ayaa wax yar oo farxad ah kaa sugaysa,waxase kaa hortaagan qaad iyo inaad qiimayso waxii ay kuu hurtay, adigaa dhibka jira wax ka qaban kara, ha’laaban gacmahaaga, hana sii jeedin damiirkaaga fiican ee u rumee riyadeedii luntay, farxad ha la noolaatee!!.