Riyada Habeenkii Ayaa Xal Loogu Heli Karaa Masalooyin Soo Jeed Lagu Dhammayn Kari Waayey

31
3778

Hargeysa (Geeska)- In badan oo riyada ka mid ahi waa uun waxa ay maskaxdu maalinti iaad uga fikiraysay oo soo noqday. Marar badanna waxa ay noqotaa faa’iido oo qofku waxa uu riyada ku arkaa xalka arrin ama dhibaato xalkeedu maalinnimadii ku adkaaday. Gaar ahaan marka uu xalku u baahan yahay hal-abuur iyo humaag sawirasho xeeldheer.

Waxa ay khubaradu sheegeen in haddii qofku dhibaato xal ka doonaysa aad uga fikiro, dhinacyo badanna u rogrogo in ay aad ugu dhowdahay in uu habeennimada riyo ku arko isla dhibtii oo uu weli xalkeeda raadinayey, inta badanna ay dhacdaba in uu riyadaas ku helo xal laga yaabo in anu haynin markii hore ee uu soo jeeday. Habkan ayaa la sheegay in ay hore ugu faa’iideen saynisyahanno iyo culimo kala duwan oo soo martay dunida. Sida ku cad taariikhda Kontonaadkii qarnigii tegey, ayaa xisaabyahankii weynaa ee Don Newman oo u dhashay dalka Maraykanka waxaa ku adkaatay masalo xisaabeed oo uu dhowr maalmood aad uga fikirayey, illaa heer uu ka daalay furfuristeedii. Habeen habeennada ka mid ah oo uu maalmihii u dambeeyey oo dhan ku hawlanaa xal u helidda masaladan xisaabeed ayaa uu seexday, waxa aanu ku riyooday masladii oo uu xalkeedii oo fudud helay, weliba waxa uu sheegay in uu riyada ku arkay xisaabyahankii kale ee weynee ee John Nash oo la furfuraya masalada. Toddobaaddo habeenkaas xigay ayaa uu Newman ku hawlanaa qorista furfuristii masalada ee uu riyada ku arkay, waxa aanu ka soo saaray qoraal cilmiyeed aad looga faa’iidaystay oo xal u noqday masaladaas.

Newman oo keliya ma’aha culimada hurdo ku xalliyey masalooyin kala duwan oo xalkoodu ku adkaaday, qaar badan oo kale ayaa taariikhda laga helayaa. Waxaa ka mid ahaa Sir Frederick Augustus oo ahaa saynisyahan ku xeeldheer cilmiga Kimistariga oo u dhashay dalka Ingiriiska. Waxa uu noolaa intii u dhexeysay 1827 illaa 1902 taariikhda miilaadiga. Saynisyahankani waxa uu riyo ku helay xal u helidda masalo kiimikaad oo la xidhiidhay habdhiska kiimikaad ee baatroolka.

Dmitri Mendeleev oo ahaa saynisyahan u dhashay dalka Ruushka oo noolaa intii u dhexeysay 1834 kii illaa 1907 kii ayaa isaguna riyo ku xalliyey masalooyin badan oo la xidhiidha cilmiga kimisteriga. Mendeleev oo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Prize ku qaata hal-abuurka dhinaca dawooyinka, ayaa in badan oo hal-abuurradiisa ka mid ah waxa uu fikirkooda ama bar bilowgooda ku helay riyo.

Saynisyahankii weynaa ee Owt Loofi ayaa isaguna riyo ku helay fikirka tijaabadii cilmiga neerfayaasha la xidhiidhay ee uu ugu dambayntii ku kasbaday shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize qaybteeda caafimaadka.  Waxa kale oo riyo lagu helay fikrado tiro badan oo la xidhiidha injineeriyadda, waxaa ka mid ahaa fikirkii lagu helay qalabka Telescope ka, iyo cilmiga hirarka shucaaca laysarka iyo xisaabta mawjadaha laysarka. Waxaa iyaguna jira tiro aad u badan oo ah hal-abuurro iyo fannaaniin uu ilhaanku ugu yimi hurdo, hawlaha ugu fiican ee ay taariikhda ku galeenna ku helay riyo.

Intaas oo keliya ma’aha, ee waxaa jira fikrado siyaasi ah oo inta riyo lagu arkay, haddana laga midho dhaliyey. Waxaa aad taariikhdu u xasuusan tahay fikirkii cajiibka ahaa ee halyeeygii gobannimada Hindiya Mahatma Gandhi oo ahaa in gumaystaha Ingiriis lagala horyimaaddo dibad baxyo silmiya. Waxa ay taariikhdu xustay in muddo uu Mahatma Gandhi ka fikirayey sidii uu gumaystaha ku waajihi lahaa kaddib, uu aakhirkii habeennimo ku riyooday habkan oo uu dhaqangeliyey midho dhalna noqday, sida oo kale dunida oo dhanna tusaale iyo casharro muhiim ah u noqday.

Riyadu xusuustay xoojisaa

Culimada cilminafsigu weligoodba waa ay ku muransanaayeen sababta ay asal ahaan riyadu u timaaddo, iyo sida ay ku timaaddo, sida oo kalana ay fikirado kala duwan ka lahaayeen sababta riyooyinka qaar u noqdaan kuwo aan la fahmi karin oo isku dhexdaadsan, qaarna kuwo nidaamsan oo sida qiso soo jeedka lagu arkay loo xasuusan karo. Waxa aanay culimada daraasadaha ku samaysay riyadu sheegeen in mar kasta riyooyinka uu qofku xasuustaa ay aad uga badan yihiin riyooyinka uu habeenkii arko, laakiin uu illaawo. Cilmibaadhiso dhowaan la sameeyey ayaa iyagu soo saaray natiijo ah in riyada lafteedu ay xoojiso xusuusta.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in hurdada bani’aadamku ay leedahay dabaqado kala duwan oo midkiiba ka kooban yahay 90 daqiiqo. Qayb kastaana waxa ay maskaxda ku leedahay saamayn ka duwan ta ay qaybta hore ku leedahay. Sidaa awgeed ayaa ay u kala duwan yihiin riyooyinka uu qofku arko qaybahaas kala duwan ee hurdadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here