“Reerkan Aan Ka Soo Jeedo Waxa La Yidhaa Sida Qudhaanjada Ayey Is Daba Galaane  Waxaan Idiin Sheegaya….”

0
645

Picture2Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hore ugu dhawaaqay in uu u sharaxan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, ayaa si rasmi ah shirweynaha xisbiga Kulmiye ugaga hor dhawaaqay in uu musharaxnimadiisii ka tanaasulay.

Waxa uu Xasan Gaafaadhi sheegay in culays lagu saaray inuu u qaatay go’aankan ah inuu musharaxnimadiisa ka tanaasulo. Waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu yidhi“Waxaynu ognahay in muddo aan sii fogayn ayaan sameeyey dhawaaq aan ku sheegayo inaan u sharaxanahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye,  marka hore wado sharcigu ii banaynayo  ayey ahayd, mar labaad reerkan aan ka soo jeedo waxa la yidhaa sida qudhaanjada ayey is daba galaane  waxaan idiin sheegayaa inaanu kala baydhi karno, aniga oo reerkaas ka soo jeeda waxaan doonayey inaan idiin bilaabo oo aan idin idhaahdo soo dhiirada oo ninkii wax doonayey kaalay, mar haddii la soo bixi waayey, waxaan go’aansaday inaan aniga iyo Maxamed Kaahina halkan gacmaha naloogu taag taagin, waxaan cadaynayaa  inaan ka tanaasulay dhawaaqii aan maalintii dhawayd sameeyay, waxaan u tanaasulay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.”

Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaan intaas ku darayaa ergadii dhibaatadu haysatay ee kala garan la’ayd ka ay u codayso, ee xaaladdeedu ahayd ma hooyadaa ayaa la cadaabaa mise aabahaa, idinkana culayskii idin hayay waan idinka dul qaatay.  Inta doonaysay inaan arinkaas ku adkaysto ee ka cadhaysan inaan dib uga laabto waxaan u sheegayaa nin  walba oo xaaladan ila kulantay ay la kulanto sidaas uun buu yeeli lahaa,idinkana waxaan idin leeyahay taageeradiina waad muujiseen idinkamaan xumaan ee isku tanaasulka iyo isku dulqaadashadu way jirtaa arinkaasna waynu dhagax dhiganay ee taasna ogaada.”