Reer Gabiley Oo Ka Mudaharaaday Xadhiga Weriye Mukhaar Nuux Ibraahim

0
652

Hargeysa (Geeska)-Mudaharaad xoogan ayaa waxa uu Shalay ka dhacay magaalo madaxda Gobolka Gabiley ee Magaalada Gabiley.

1

Mudaharaadkan oo ay sameeyeen Bulshada kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Gabiley ayaa waxay kaga soo hor jeedeen  xadhiga dawlad deegaanka somalida itoobiya kula kaceen Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo ah wariyihii uga soo warami jiray HCTV magaalada Gabiley, waxaana wariyahan ay ciidamada Liyuu Boolisku ka kaxaysteen degmada Tog Wajaale gaar ahaan dhinaca Itoobiya.

Dadwaynahan mudaharaadayay ayaa waxay xukumadda Somaliland ugu baaqeen inay ka hawlgaho sidii saxafigaas xorriyadiisa loogu soo celni lahaa.

Dadweynahan mudaharaadayey oo iskugu jira Haween, Dhalinyaro iyo Caruur ayaa ku duubtay madaxa maro cas, waxayna Waddooyinka kala duwan ee Gabiley oo ay socod ku mareen ku gubeen taayiro, iyagoo muujiyey inay aad iyo aad uga xun yihiin xadhiga wariyahan.

Dhanka kale waxay ayaan daro ku tilmaameen in ilaa hadda Xukuumadda  Somaliland ka aamusan tahay  xadhiga  Wariyahan.