Reer Awdal Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Murashaxa Madaxweyne-xigeen Ee Waddani

0
511

Borama(Geeska)-Bulshada gobalka Awdal, ayaa si weyn u soo dhawaysay murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga Waddani Dr. Maxamed Cali, oo markii u horaysay isagoo wefti culus hoggaaminaya khamiistii gaadhay magaalada Borama oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

2

Dadweynaha reer Awdal ayaa soo dhawayntooda ka bilaabmay degmada Dila, waxaanay soo dhawayntii ugu balaadhnayd ka dhacday magaalada Borama oo u muuqatay inay shacabku qalbi furan ku soo dhaweeyeen murahaxooda, waxaanay dadka soo dhaweeyay isugu jireen dhalinyaro, haween, madaxdhaqameed iyo qaar ka mid ah ganacsatada reer Awdal.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa weftiga culus ee weheliyay Dr. Maxamed Cali, ayaa khudbado ay halkaas ka jeediyeen waxay shacabka reer Awdal ugaga mahadceliyeen soo dhawaynta balaadhan iyo taageera ay u muujiyeen murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga waddani. “Waxaanu idin wadnaa inankiinii, waxaanu idiin wadnaa murashixii madaxweyne xigeen ee xisbiga Waddani, naga guddooma, nala gelbiya.” ayuu yidhi Cabdiqaadir jirde oo la hadlayay dadkii tirada badnaa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna shacabka reer Awdal ugu baaqay inay soo cudcuda dhawaynta ah ee ay khamiistii muujiyeen oo kale muujiyaan maalinta doorashada madxtooyada oo ay codkooda siiyaan Dr. Maxamed Cali iyo xisbiga Waddani oo uu murashax madaxweyne u yahay Cabdiraxmaan-Cirro.

Madaxda dhaqanka ee gobalka Awdal qaar ka mid ah oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa balan qaaday inay taageeradooda la garab istaagi doonaan murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE.

Murashax Dr. Maxamed Cali oo munaasibadahaas soo dhawaynta ah hadalo ka jeediyay ayaa shacabka reer Awdal uga mahadceliyay soo dhawayntooda oo uu tilmaamay inay u muujinayso in xisbiga Waddani doorashada ku guulaysanayo, waxaanu balan qaaday in haddii loo doorto madaxweyne-xigeen uu dalka ku maamuli doono sinaan iyo cadaalad.

Soo dhaweynta Maanta loo samayey waftigan uu hogaaminayo Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa noqonaysa soo dhaweyntii ugu balaadhnayd ee sanadihii ugu danbeyey gobolka Awdal ka dhacda iyada oo soo dhaweyntani ay guud ahaanba gilgishay deegaanada galbeedka Somaliland.