Real Madrid Oo Soo Rogaal Celisay Damaceegii Ay Ku Rabtay Gool Haye David De Gea

Published on Feb 09 2017 // Ciyaaro

De-Gea-1

Kooxda uu hogaamiyo macalin Zidane ee Real Madrid ayaa ka quusan la’a xidiga goolka u waardiya Man United Ee David De Gea, waxaanay durba bilaabay qorshihii ay dib ugu soo celin lahaayeen damicii ay ku rabeen goolhayaha Manchester United ee David De Gea.

Real Madrid ayaa hore ugu guul daraysatay lasoo wareegista xidigan, iyagoo maalintii ugu dambeysay kala iibsiga ciyaartooyada ku fashilmay inay helaan xidigan. Si kastaba ha ahaatee,  Florentino Perez iyo agaasimayaashiisa Bernabeu ayaa wada qorshihii De Gea uu ku iman lahaa kooxdooda kadib markii ay awoodi waayeen in suuqii xagaagii la soo dhaafay heshiiskiisa la dhamaystiro. Goolhaye David De Gea ayaa 18 bilood ka hor daqiiqadii ugu danbaysay baaqi kusii noqday horyaalka Premier leaque-ga iyo kooxdiisa Manchester United kadib markii heshiiskii Real Marid iyo Man United uu burburay daqiiqadii ugu danbaysay suuqa kala iibsiga waxayna taasi keentay in qoraalo dhaadheer oo xanaf leh ay iskugu jawaabaan maamulada Old Traffrod iyo Bernabeu. Wixii intaa ka dambeeyey David De Gea ayaa kooxdiisa Manchester United u saxeexay heshiis cusub oo dhacaya sanadka 2019 isla markaana lagu kordhin karo hal sano oo dheeraad ah. Manchester United ayaa doonaysa inay xiisaha Real Madrid ee soo laab kacleeyay kaga hor tagto in Dea Gea ay ka saxeexato sanadka dheeraadka ah ee ku jiray heshiiskii uu saxeexay markii ay burbureen wada xaajoodyadii labada kooxood.

Si kastaba  ha ahaatee, kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaan dhayal kusii dayn doonin gool haye De Gea, wallow sida ay ku waramayso Marca ay Real Marid wali kaquusan la’dahay soona celisay hamigeedii ay ku rabtay goolhayahan ruug cadaaga ah.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!