Raysalwasaare-Xigeenkii Hore Ee Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Jooga Cafis Uu Madaxwynuhu U Fidiyay

36
4246

Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaare-xigeenkii hore ee dawladda Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi, oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland ayaa cafis Madaxweyne ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ridwaan, ayaa la sheegay inuu codsi uu ku dalbanayo saamaxaad u soo qortay xukuumadda Somaliland, taas oo la sheegay in Madaxweyne Biixi ka aqbalay. Warqad fulin saamaxaad madaxweyne ah oo uu qoray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo uu Geeska Afrika arkay wuxuu hayadaha ammaanka ee dalka ka dalbaday inay fuliyaan islamarkaana dhaqan geliyaan saamaxadda madaxweyne Biixi u fidiyay muwaadinkan.

Ridwaan, ayaa xilkaas raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya iyo weliba wasiirka diinta iyo awqaafta wuxuu hayay 17 January 2014 – 6 February 2015,

Waa siyaasigii labaad ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee sannad gudihiisa Hargeysa ku yimaada cafis madaxweyne. Hore waxa sanadkan Hargeysa u yimid wasiirkii arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo isna soo dalbaday saamaxaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here