Raysalwasaare Maxkamadi Xilka Ka Eriday Oo Siyaasaddana Ka Mamnuucday Oo Xaaskiisii Kursigiisii Baarlamanka Ku Guulaysatay

0
953

Islamabad (Geeska)- Xaaska raysalwasaarihii dalka Baakistaan ee dhowaan xilka laga eryey ayaa ku guulaysatay kursigiigii xildhibaannimada golaha baarlamanka dalka Baakistaan oo Axaddii toddobaadkan loo tartamay. Goobjoogeyaal doorashada la socday ayaa sheegay in tani ay muujinayso sida uu qoyska raysalwasaarihii hore ee Shariif ay weli shacbiyadda ugu leeyihiin dalka gudihiisa, taas oo fursad weyn siin karta doorashooyinka guud ee la filaya in ay dalkaas ka qabsoomaan sannadka 2018.

Maryam Shariif oo uu dhalay raysalwasaaraha hore ayaa sheegtay in inkasta oo hooyadeed ay la kulantay cago-juglayn badan iyo hanjabaad ah in la afduubi doono, haddana ay hooyadeed Kalthuum Shariif ku guulaysatay kursigii odaygeeda ee ay u tartamaysay.

Maryan Shariif ma’ay magacaabin cidda hooyadeed u hanjabaysay, laakiin warar laga helay ilo ka agdhow xisbiga Xidhiidhka Islaamiga ah ee Baakistan oo uu aabaheed aasaasay ayaa sheegaya in ay u jeeday hanjabaado hooyadeed uga yimid dhinacyo ka mid ah ciidamada dalkaas oo saamayn weyn ku leh siyaasadda.

Murashaxa guulaystay ayaa iyaduna khudbad ay u jeedisay taageerayaasheeda waxa ay ku tidhi, “Tani guul caadiya ma’aha, cidda aanu jebinnay ma’aha dadkii aanu fagaaraha isku haynay oo keliya, laakiinwaxa aanu sida oo kale jebinnay kuwo kale oo aynaan arkayn”

Marwo  Kalthuum Shariif kama ay qaybgelin ol’olihii doorashada ay ku guulaysatay, maadaama oo ay dalka Inigiriiska ugu maqnayd safar caafimaad oo ay iskaga soo daweynaysay cudurka Kansarka, waxaa dad badan aad u soo jiitay shacbiyadda uu qoyskani leeyahay ee keentay in Kalthuun oo aan ol’olayn ay hesho boqolkiiba 53 iyo badh codadkii kursigan ay u tartamaysay.

Maxkamadda saree e dalka Baakistaan ayaa 28kii bishii Lixaad ee sannadkan waxa ay soo saartay xukun Nawaas Shariif oo markaas raysalwasaaraha dalka ahaa ku sheegaysa in aanu u qalmin xilkaas sababo musuqmaasuq la xidhiidha awgeed. Laakiin xisbiga Nawaas Shariif oo aan talada laga qaadin ayaa keenay raysalwasaare kale oo isla xisbiga ah, waxa aanu xisbigu galay ol’ole ballaadhan oo uu dadkiisa kaga codsanayo in maxkamadda la tuso taageerada weyn ee xisbigu haysto iyo in maxkamadda cadaadis lagu saaro in ay ka noqoto go’aankaas.