Raysalwasaare Kuxigeenka Ciraaq Oo Ka Badbaaday Weerar Ay Ku Qaadeen Militarigiisu

0
652

Picture1Ciraaq(Geeska)-Koox ka tirsan ciidamada Ciraaq oo ku labisan dareeska militariga,ayaa rasaas la beegsaday kolonyadii uu la socday Raysalwasaare kuxigeenka Ciraaq xili ay marayeen nawaaxiga Abu Gureyb ee galbeedka caasimada Baqdaad.

Weerarkan waxaa ku dhintay mid kamid ah illaalada Raysawasaare kuxigeenka, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale.Xogheynta Raysalwasaare kuxigeenka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan ay ka danbeeyeen ciidamada dowlada.

Dhinaca kale Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa ku tilmaamtay kooxda weerarkan qaaday dabley hubeysan, isla markaana ka gaabsatay inay faah faahin ka bixiso in askartaasi ciidamada ka tirsanaayeen.Saleh Al Mutlak ayaa kamid ah siyaasiyiinta xilalka ugu sareeya ka haya dalkaasi Ciraaq oo sunnida ah, weerarkiisan ayaa lagu soo beegay asbuucyo kahor xiligii la qorsheeyey in ay dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka ee wadankaasi.

Horey ayaa maleeshiyaad shiico ah oo kamid noqday ciidamada Dowlada Ciraaq loogu eedeeyey falal dilal qorsheysan ah oo la’la beegsado dadka sunnida ah.Doorashada soo socota ee Baarlamaanka oo la qorsheeyey inay dhacdo wax ka yar 3 asbuuc ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo wadankaasi ka dhacda tan iyo intii ay ciidamada Maraykanka ka baxeen Ciraaq.