Raysalwasaaraha Somaliya Oo Cadeeyay Ujeedada Ay U Soo Direen Odayaasha Dhaqanka Somaliya Ee Somaliland Safarka Ku Yimid

0
672

Picture6Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha Somaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka odayaasha dhaqanka ee ka yimid wadankiisa Somaliya, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland u yimaadeen sidii ay uga shaqayn lahaayeen dib u soo celinta midnimadii fashilantay ee Somaliland iyo Somaliya.

Mr. Cabdiweli, oo ay shabakadda wararka ee Sabahi Online, waraysi la yeelatay, wuxuu sheegay in socdaalka odayaasha dhaqanka Somaliya ay ku yimaadeen Somaliland uu qayb ka yahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. “Waxa jira dedaalo badan oo socda oo ku saabsan sidii heshiis looga gaadhi lahaa arrinta somaliland, madaxdhaqameedkuna waxay ka mid ahaayeen dedaaladaas. Waa madaxdhaqameed wadankoodii tagay oo booqanaya dadkoodii kalana xaajoonaya midnimada Somaliya.” Sidaas ayuu yidhi Raysalwasaaraha Somaliya oo la su’aalay inuu ka warbixiyo 45-ka oday dhaqameed ee ka socda Somaliya ee tagay Somaliland.

Raysalwasaaraha Somaliya, waxa la weydiiyay bal I nay jiraan qorshe ay madaxdhaqameedka Somaliland iyaguna ku booqanayaan magaalada Muqdisho ee Somaliya, waxaanu ku jawaabay, “Waa wax furan, waanan rajaynaynaa inay yimaadaan, laakiin wakhti xaadirkan ma jiro qorshe noocaas ahi.” Waxa kale oo Mr. Cabdiweli, la su’aalay xidhiidhka ka dhexeeya dawladooda iyo maamulka Puntland, waxaanu yidhi, “Dadka Somaliyed waa isku mid, mana kala maqnaan karaan. Puntland waxaan booqanayaa 23-ka bishan May. Waxaanu leenahay xidhiidh fiican oo madaxweynaha Puntland wuxuu yimid halkan [Muqdisho], waanay ka qayb qaataan hawlaha aanu wadno.”