Raysalwasaaraha Dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Rabshadihii Dhacay

0
914

Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay rabshadihii dadka badan ay ku dhinteen ee gudaha dalka Ethiopia ku dhex maray Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaanu tilmaamay inuu ka xun yahay qalalaasaha dhex maray dadka rayidka ah iyo khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale labada madaxwayne ee Kilalka Soomaalida iyo kan Oromada ayaa iyaguna dhankooda ballan qaday in ay xiisada la soo afjari doono isla markaana ay ka hor tagayaan in wax dambe ay ka soo cusboonaadaan.

Raisal wasaaraha ayaa cambaareeyay rabshadahaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn, waxaanu sheegay in dawladu sharciga ku soo dabaali doonto xaalada, waxaana la baadhi doonaa ayuu yidhi sida ay wax u dhaceen iyo cidda masuulka ka ahayd.

Waxa kale oo uu madaxda labada maamul ee Soomaalida iyo Oromada ugu baaqay inay xaaladda wada hadal ku dhammeeyan islamarkaan ka shaqeeyaan sidii bulshada la isugu soo dhawayn lahaa.