Rasmi: Xidiga Alvaro Negredo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Horyaalka Premier League

0
997

AAAWeeraryahankii hore ee kooxda Manchester City Alvaro Negredo ayaa dib ugu soo laabtay Horyaalka Premier League-ga ee dalka England, kadib markii uu heshiis cusub u saxeexay kooxda Middlesbrough.

Xidiga Alvaro Negredo ayaa kooxda Middlesbrough ugu soo wareegay hal sano oo amaah ah oo uu uga soo wareegay kooxda Valencia.

Tabobaraha kooxda Middlesbrough Aitor Karanka’ ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu lasoo Wareego mid ka mid ah Weeraryahanada caalamka ugu fiican kaas oo uu sheegay in uu wax weyn ku soo kordhin doono Naadigiisa oo dhawaan ka soo dalacay Heerka labaad ee Wadanka England.