RASMI: Manchester City Oo Lasoo Wareegtay Weerar Yahanka Reer Colombia Ee Marlos Moreno

Published on Aug 08 2016 // Ciyaaro

Kooxda ka dhisan wadanka England ee Manchester City ayaa dhameystirtay saxeexa gooldhaliyaha da’da-yar ee kooxda Atletico Nacional iyo xulka qaranka Colombia Marlos Moreno sida ay ku dhawaaqday shalay.

Xidigan19-jirka ah ayaana soo gaadhay garoonka Man City ee Etihad Stadium si uu heshiis qalinka ugu duugo kooxda uu hogaamiyo macalin Pep Guardiola, wuxuuna saxeexay heshiis shan sano ah.

Balse xidiga Marlos Moreno ayaa dhakhso ugu Duuli doona kooxda Deportivo La Coruna halkaas oo uu amaah hal xili ciyaareed kula soo qaadanayo 2016/2017.

“City waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida” ayuu da’yarkaan u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda Man City. Waliba isagoo intaasi sii raaciyey “Waxey ii tahay khibrad inaan qeyb ka noqdo koox sidan oo kale ah, waxaan doonayaa inaan sameeyo waxa ugu fiican ee laacib samayn karo” Ayuu yidhi mar kale.

Marlos Moreno ayaana noqonaya Saxeexii 7-aad ee Kooxda Manchester City lagasho xagaagan waxaana kaga soo horeeyay kooxda Man city isla xagaagan oo kalya laacibiinta kala ah;  Leroy Sane, Ilkay Gundogan, Nolito, Oleksandr Zinchenko, Gabriel Jesus iyo Aaron Mooy.

Si kastoy ahaataba tabobare Pep Guardiola ayaa samaynaya isbedel wayn xili uu ku mashquulsan yahan dib u habaynta kooxdiisa Man City.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!