RASMI: Kooxda Everton Oo Lasoo Wareegtay Kabtankii Xulka Wales Ashley Williams

0
49

Kooxda ka dhisan Magaala xeebeedka Kutaala cidhifka waqooyi galbeed ee Ingiriiska ama magaalada Liverpool ee Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhamaystirtay saxeexa difaacii kooxda Swansea City ee Ashley Williams kaas oo ay la gashay heshiis saddex sanadood ah.

qeq

Kooxda Everton ayaa isticmaalaysa lacagtii badnayd ee ay ka heshay heshiiskii uu John Stones ugu biiray Manchester City.Swansea City ayaa hore Everton uga diiday dalab 10 milyan oo gini ahaa basle lacagta ay hadda kula soo wareegtay ayaan la shaacin. Kabtanka xulka qaranka Wales ee Ashley Williams ayaa kooxda Swansea City ku soo qaatay muddo sideed sano ah wuxuuna qaab ciyaareed aad u fiican ku soo badhigay tartankii qaramada Yurub oo uu xulka qarankiisa Wales ka caawiyay in ay markii ugu horaysay taariikhdooda soo gaadhaan afar dhamaadka tartanka qaramada Yurub.

Ugu dambayntii Everton ayaa samaysay go’aan aad u fiican oo bedel u noqon kara Stones, kadib lasoo wareegista Williams.

https://www.facebook.com/Ciyaaraha-Geeska-507245052757890/