Ramaax Oo Eeddo U Jeediyay Labadii Wasiir Madaxtooyo Ee Isaga Dambeeyay Xukuumadii Silanyo

2
2457

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Ucid Maxamuud Saleebaan Ramaax ayaa si adag u dhaliilay labadii wasiir ee madaxtooyada isaga dambeeyay ee Siilaanyo oo kala ah Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waxa uu Ramaax masuuliyiintan ku tilmaamay inay ahayd inay dalka ka tahriibaan halka ay shabiga Somaliland soo hor joogaan, waxaana uu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka RTN, Ramaax ayaa mudo xileedkii madaxweyne Siilaanyo badhasaab loo magacaabay inta badan gobalada dalka, waxaana isaga oo ka hadlaya su’aal laga weydiiyay madaxweynihii hore Axmed-siilaanyo uu yidhi “Madaxweyne aad iyo aad u wanaagsan ayuu ahaa oo qofka awaamiirtaas hore ee uu faro mooyaane aan faro galin badan ku lahayn,inkasta oo rag aan u naxo markay tilifishanada soo istaagaan oo odayga ka agdhawaa sida maalmihihii  dhawayd  dhacday aan jeclaan lahaa in aanay iman haddii qalad laga tirsado kuwii galay waa kuwan hadda is waax waaxaya ee faanaya ee is difaacay ee Maxamuud Xaashi iyo Xirsi ka mid yihiin runtii inay dhuuntaan ayay ahayd,ragii dhaliishii loo soo jeedinaayay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo masuulka ka ahaa inay faan la yimaadaan jaanis Muuse Bixiyay weeyaan, inay khajilaan bay ahayd.”

Waxa uu Ramaax ka hadlay buuga uu qoray wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Xaaji“Xirsi oo kale waxa uu qoray buug oo waxa laga dheehanaayay inuu faanayo oo waliba ku soo indha adag yahay, oo aad moodo ujeedada uu leeyahay inay tahay abaalka dar iyo guul aanu lahayn inuu sheegto, waa uu faanayaa yuu u faanayaa, Muuse Biixi ayuu ku leeyahay anigaa dalka haystee miyaanan kaa dawlad wanaagsanayn.”

Waxa uu dhaliisha ku sii waday wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali“Xirsi isaga oo wasiir ah ayuu wasiiradii uu yidhi aniga ayaa magacaabi jiray uu yidhi is casila saacad kaliya oo aad ogayd nooc inqilaabka ka mid ah waxana lama daba qaadin, markaas in la daba galo ayay ahayd oo uu maanta jeelka ku jiro ee may ahayn inuu suuqa  waliba ka faano ama laabta garaaco, maantana jaaniskii labaad Muuse ayaa bixiyay oo wax alle iyo wax talaabo ah oo uu ka qaaday may jirin.”

Ugu danbayntii waxa uu Ramaax oo xilka badhasaabnimo ka soo qabtay inta badan gobalada Somaliland uu isaga oo barnaamijkan ka la sii hadlaaya uu yidhi“Waxaan aaminsanahay Maxamuud Xaashi iyo Xirsiba khaladaad ay iyagu iska leeyihiin oo aanu Siilaanyo lahayn waa uu badnaa. Ragii umaddu eegaysay ee ay wax u tirinaysay  waliba meelahaas ayaan ka maqlayaa Maxamuud ayaa leh Kulmiye halaygu wareejiyo inay umadda ka xishoodaan ayay ahayd oo ay tahriibaan oo ay ka dhuuntaan indhaha dadka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here