Qunsulkii Itoobiya U Fadhiyay Somaliland Oo U Ambo-baxay Addis Ababa Iyo Bedelkiisa Oo La Filayo Inuu Soo Gaadho Hargeysa

33
4237

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa bedeshay qunsulkii u qaabilsanaa Somaliland Brigader General Berhe Tesfaye, ka dib muddo ku dhow toban sannadood oo uu Addis Ababa u joogay Hargeysa.

Danjire Berhe, ayaa toddobaadkan dhammaaday wuxuu ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkiisa, waxaana la filayaa inuu dhawaan magaalada Hargeysa soo gaadho qunsulka lagu bedelay oo aan weli si rasmi ah magaciisa loo shaacin.

Qunsulka ayaa hawlihii xafiiska uu madaxda ka ahaa ee Addis Ababa wuxuu ku wareejiyay masuuliyiinta kale ee tirsanaa xafiiskiisa, waana nidaamka ay safaariiradu xilka u wareejiyaan, waxaana la filayaa in diblomaasiga lagu bedelay uu dhawaan soo gaadho caasimadda Hargeysa.

Danjire Berhe Tesfaye, ayaa mudadaas tobanka sannadood ku siman ee uu ahaa qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland, wuxuu si weyn uga qayb qaatay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee ku salaysan dhinacyada kala duwan.

Dawladda Itoobiya ayaa bishii hore ee Oktoobar waxay dib ugu yeedhay in ka badan 90 diblomaasi oo muddo dheer shaqaynayay oo Addis Ababa u joogay dunida, kuwaas oo uu danjire Berhe Tesfaye ka mid ahaa, waxaanay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya talaabadan ku sheegtay inay ka mid tahay firfircooni ay doonayso inay wasaaradu geliso shaqadeeda arrimaha dibadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here