Qoyska Hablaha Kufsi Wadareedka Loo Gaystay Oo Dalbaday Inaan Xukunka Laga Qafiifin Dambiilasyaaha

0
621

Picture2Hargeysa(Geeska)-Qoyska mid ka mid ah labadii hablood ee bishii ramadaan ee sanadkii hore ay kufsi wadareedka u gaysteen 21-tanka wiil ayaa xukuumadda, maxkamaddaha iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay waajahaan xukunkii maxkamaddu ay ku xukuntay dhalinyaradaas, oo ay taageeraan.

Haweenkan hadlay ayaa ku tilmaamay in inamadaas oo la siid aayaa ay ka dhigantahay in la dhiiri galinaayo kufsi wadareedyada oo dalka ku soo bata, waxaanay ugu baaqeen raga ay sheegeen in ay arintaas ka ergaynayaan in dhibka kufsigu ku baahi doono guryahooda.

Wiilal 21  ah ayaa kufsi wadareed u gaystay laba hablood bishii ramadaan ee sanadkii hore 24/07/2013, maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa ku xukuntay wiilashaas 10 sano oo xadhiga ah,waxaana rafcaan ka qaatay 21-kii wiil, waxaana maxkamadda rafcaanku sii daysay mid ka mid ah, halka midna ay ka khafiifisay shan sano, waxaana kiiskani uu hadda hor yaala maxkamadda Sare.

Waxa ay sidan ku sheegeen haweenkan shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Hargeysa. Ugu horayntii Faadumo Cismaan oo ka hadlaysay sababta ay warbaahinta ula hadlayaan waxay tidhi“Halkan ujeedada aanu isigu nimi waa hablahii kufsi wadareedka loo gaystay 17 bishii ramadaan ee sanadkii hore,arintaas waxa la yidhi waanu ka heshiinay, laakiin ma jirto cid aanu la heshiinay iyo cid aanu is aragnay, dawladu arintaas si wacan ayay ka yeeshay, xukunkii maxkamadduna si fiican ayuu u dhacay, anaguna dhamaantayo waxaanu taageersanahay go’aankii maxkamadda.”

Xaliimo Ismaaciil ayaa iyaduna dhankeeda waxa ay tidhi“Kufsi wadareedkii loo gaystay labada hablood ee Hargeysa ka dhacay, hablahaasi waxay ka soo jeedeen laba beelood, iyada oo aanan kala jeclayn hablaha kufsi wadareedka ay 21-tanka inan u gaysteen, labada hablood midii ka soo jeeday bariga Hargeysa reerkoodii waxay yidhaahdeen  inay la heshiiyeen qoladii kufsiga gaysatay,hadaba waxa aanu leenahay  kiiskaas sida ay xukuumaddu uga hawlgashay waxay ahayd si qaali ah, boolisku si dhakhso ah ayay u soo qabteen,maxkamadduna waa ay gudatay waajibkeedii oo waa ay xukuntay, waxaanu madaxweynaha,wasiirka arimaha gudaha iyo intii arimhaasi quseeyaanba u sheegaynaa, in aanan cidna la heshiin oo aanan la heshiin doonina, Waxaanu ku qanacsanahay xukunkii maxkamadda.”

Ugu danbayntii Caasha Aw Axmed ayaa dawlada iyo guud ahaan shacbiga Somalilandba ugu baaqday in kiiskaas xakamayntiisu ay ku xidhan tahay wanaaga hablaha dalka“Arinka halkan isugu keen keenay waa mid ina damqay, oo dad ahaan iyo dumar ahaanba noo damaqday, wax hore u dhacay maaha arintani, waxaynu nahay dad islaam ah waxii islaamnimada ku xuna waxa wanaagsan in laga wada dhiidhiyaa, waxaynu ka xunahay rag,haween iyo dawladba 21 inan oo yar yar  oo waxaas gaystay inagamana dheera oo waa kuweenii, laakiin waxii diintu ka qabto dhibkaas ayaanu ka taaganahay.”

Caasha oo hadalkeeda sii wadata waxa ay tidhi“Waxaynu hore u maqalnay xasuuq wadareed, kufsi wadareedna hadaa inoogu horaysa , intaanu hadaba inagu bilaabmin waxii waajibku ahaa waa in laga galaa, dadku dhagaha ayay ku sitaan waxii dhacay, waana la ogyahay in dadku hada isku yidhaahdo hebolow tooray ayaan ku galin oo caantayn caantayn laguu bixin, kufsi  wadareedkana ma waxaynu is nidhaahnaa waan ku kufsan bari ayaa lay soo dayne, jawaabtaasi dadow miyay ina qabataa, yaynaan falkaas xun isu hor seegin, dawladuna arinkaas si fiican ayay u qabatay oo ay ka yeeshay, waanuna ku amaanaynaa  booliska iyo wasiirka daakhiliga iyo maxkamadaha, laakiin dad ayaa hoos gablaynaaya dadkaasuna waa inay diinta islaamka ku hakadaan, ninka weyn ee ku hadlaaya kufsi wadareed dadka gaystay halay sii daayo kuwiisa ayaa la kufsan, kuwa tan kufsaday taadana waa ay kufsanayaan ee wanaaga iyo diinta haloo noqdo, anaguna dumar ahaan waxaanu ka soo horjeednaa dadka ergada ka galaaya kufsi wadareedkaas.”