Qoys Reer Iiraan Ah Oo Maalqabeena Ayaa Sabab U Ahaa Heshiiska Nukliyeerka Ee Maraykanka Iyo Dalkooda

0
932

Picture1Washington (Geeska)- Qoys u dhashay dalka Iiraan oo ka kooban aabo, laba wiil, inan uu dhalay iyo nin ay xidid yihiin ayaa kaalin aasaasi ah ka ciyaaray dhismaha gole Iraaniyiin ah oo awood badan ku leh caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

Qoyska Namaazi oo asalkoodu Iiraan yahay, balse haysta dhalashada Maryakanka, kaalin firfircoon oo aad u muuqatana kaga jira ganacsiga Washington, ayaa warbaahinta Maraykanku ay sheegaysaa in ay iyagu masuuliyiinta taladu ka go’do ee Maraykanka iyo Iiraan ku qanciyeen in qadiyadda Nukliyeerka ee is-mari-waagu muddada dheer ka taagnaa ay ka gaadhaan xal diblumaasiyadeed oo aan dagaal iyo colaadi ku jirin.

Shabakadda Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegaysa in ay hore u baahisay warbixin ilayska ku shidday gole-ol’oleed Iraani ah oo ka dhismay gudaha Maraykanka aadna ay isugu dhowaadeen masuuliyiinta ugu sarraysa ee talada dalku ka go’do. Al-Carabiya waxa ay sheegtay in haweenay hore xubin uga ahaan jirtay Gole-ol’oleedkani ay hadda la-taliye u tahay madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, sidoo kale, gabadh uu dhalay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa waxaa guursaday wiil uu dhalay dhakhtar Iiraani/Maraykan ah oo isna ka tirsan kooxdan, munsaabaddii guurka inanta John Kerry waxaa ka soo soo qayb galay wiil uu dhalay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Jawaad Dariif.

Qoys aan aad loo aqoonin:

Degelka Internet ka ee warbaahinta The Daily Beast ee dalka Maraykanka ayaa toddobaadkii hore baahiyey maqaal uu daaha kaga fayday kaalinta qarsoon ee uu qoyskan aan aadka loo aqoon ee Iiraaniyiinta ahi ka ciyaaray isu soo dhoweynta labada dal ee Maraykanka iyo Iiraan, taas oo qayb ahaan uu qoysku danihiisa ganacsi ugu danaynayo.

Dad badan ayaa aaminsan in heshiiska Nukliyeerka la xidhiidhay ee bishii Juun dhex maray Iiraan iyo Maraykanku uu yahay guul weyn oo Iiraan sharciyad daahsoon u siinaysa hawlaheeda Nukliyeerka, sidoo kalana guul muuqata u noqonaysa Gole-ol’oleedka Iiraaniyiinta oo ay sii korayso awooddii ay ku lahaayeen Washington iyo talada dawladda Maraykan.

Gole-ol’oleedkan oo lagu magacaabo Golaha Qaran ee Iiraaniyiinta-Maraykanka, marka magaciisa la soo gaabiyana noqda NIAC ayaa kaalin muuqata ka ciyaaray talo-siintii iyo ka dhex ol’olaynti golaha wakiillada Maraykanka ee la xidhiidhay ansixinta heshiiska Obama la galay Iiraan oo marka hore laga cabsi qabay in goluhu diido, balse markii dambe si aan la filayn u helay tiradii xildhaabbada ee loo baahnaa sidaana ku ansaxay. Golahan ayaa uu qoyskan Namaazi u yahay gadhwadeen, daaha dabadiisa ka haga, waxaana la aaminsan yahay in qoysku uu hadda isu diyaarinayo sidii uu dhaqaale ahaan uga faa’idaysan lahaa heshiiskan isla markaana u sii xoojin lahaa awoodda golaha ay taageeraan ee NAIC uu ku  leeyahay talada Maraykanka.

Waa ayo qoyska Namaazi?

Magaca qoyskan aad looguma maqlo warbaahinta Maraykanka iyo dunida kale midna, mana muuqato haba yaraato ee tallaabo ay qoyskani ku doonayaan in ay warbaahinta ka muuqdaan ama xitaa rayigooda uun ka dhiibtaan warkan ay baahisay shabakadda caanka ah ee The Daily Beast, dad ay qoyska qaraabo yihiin ayaana sheegay in qoyskani uu si aad ah uga fog yahay siyaasadda, aadna uga dhex muuqdo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaalaha iyo maaliyadda la xidhiidha. Qoyska waxaa hoggaamiya Maxamed Baaqir Namaazi, xilligii uu dalka Iiraan ka talinayey Maxamed Ridaa Shaah, waxa uu ahaa guddoomiyaha gobolka Khuzestan ee dalka Iiraan, oo ah gobolka ay Carabta reer Iiraan deggen yihiin horena loo odhan jiray Carabistan, laakiin markii kacaanka Islaamiga ahi xukunka la wareegay ee la caydhiyey Shaah, cidi lama ay xisaabtamin sida masuuliyiin kale oo badna ku dhacday, waxaana loo ogolaaday in uu dalka ka baxo, sidaas ayaana uu dalka Maraykanka ku tegey sannadkii 1983kii isaga oo ay weheliyaan labadiisa wiil, inantiisa iyo saygeeda.