“Qorshahayagu Waa Sidii Dadkeenu Deegaan Kasta Oo Ay Joogaan U Heli Lahaayeen Biyo Ku Filan”

0
916

Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, ayaa ka xog waramay qorshaha Wasaaradiisa ee dhinaca biyaha, waxaanu tilmaamay in wasaarad ahaan qorshohoodu yahay sidii ay dadka reer Somaliland ku heli lahaayeen biyo ku filan.

Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay qorshaha wasaaraddiisa “Xukuumadda JSL ee uu Madaxweynaha ka yahay Muddane Muuse Biixi Cabdi, waxay diyaar u tahay inay dalkeeda iyo dadkeedaba horumar gaadhsiiso, waxay diyaar u tahay inay sare u soo qaado baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada, ee ay Biyuhu ka mid yihiin, Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba qorshahayagu waa sidii ay dadkeenu deegaan kasta oo ay joogaan ay u heli lahaayeen biyo ku filan, insha allaahna wey heli doonaan”.

Wasiirka Biyaha mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi “Nabadgalyadu waa qaali, waxaana Shacabka reer Somaliland leeyahay nabadgalyada dhankiina ka ilaaliya, waxaana dhab ah inay dawladiinu mar walba diyaar idiin tahay, talaab kasta oo nabadeena wax lagu yeelayana weynu ka digtoonahay, laakiin Shacabka waxaan ku boorinayaa inay mar walba digtoonadaan, oo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, cid kasta oo inagu soo xad gudubtana wanaag inagalama kulmayso,dhib iyo khasaare mooye, markaas ciddina yaanay ku tashanin inay xadkeena iyo dalkeena iyo dadkeenaba inay ku soo xad gudubaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here