Qorraxda Iyo Dheregga Xad Dhaafka Ahi Waxa Ay Ka Mid Yihiin Sababaha Dadka Qaar Ku Keena Hindhisada

0
867

Hargeysa (Geeska)- Hindhisadu waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu badan ee dhaqannada iyo cilmiyada kala duwan ee adduunka iyo xitaa diimuhu ka hadleen. Cilmibaadhistii ugu dambaysay ee lagu sameeyo ayaa koox saynisyahanno ahi ay ku ogaadeen in hindhisadu ay tahay jawaab celin abuur ah oo uu jidhku ka sameeyo waxyaabaha qaar uu diiday, sida boodh yar ama wasakh hawada u raacday, qiiq, noocyo ka mid ah cadarka oo maaddooyinka ku jira qaarkood qofku diido iyo arrimo la mid ah.

Waa hab abuur ah oo Alle ugu talagalay in jidhku uu iskaga saaro walaxdaas uu garan waayey ee habdhiskiisa neeefsiga soo gashay. Inta badan walaxdaas uu jidhku diiday waxa ay ka gashaa sanka oo sida keliya ee uu Alle ugu talagalay in uu iskaga soo tuuro wasakhdaas ama walaxdaasi ay tahay in neef xooggan uu soo tuuro si ay u soo raacdo, neeftaas xoogga ku soo baxaysa ayaana ah hindhisada.

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu sheegayaan in hindhisada ay ka hadlayaan ay tahay tan dabiiciga ah, laakiin haddii ay tahay hindhiso xidhiidh ah ay calaamad u noqon karto xaalad caafimaad darro, oo tusaale ahaan ah in fayraaska uu ku jiro habdhiska neefsiga, inta badanna waa marka uu qofku hargabka qabo ama xasaasiyaddu ku kacdo. Haddana tan lafteeda macnuhu ma’aha in aanay ku iman sababtaas aynu kor ku xusnay ee ah in jidhku doonayo in uu iska soo saaro walax ama wasakh uu diiday.

Barta Internet ka ee Researchers ayaa warbixin ay hindhisada ka qortay iyaduna ku sheegtay in dadka qaar ay hindhisada isku arkaan marka ay qorraxda u soo baxaan taas oo ah xaaladda hindhiso ee lagu magacaabo Hindhisada ilayska ‘Photic Sneeze Reflex’ xaaladdan oo lagu arko boqolkiiba 10 illaa 35, dadka dunida, waxaa iyaguna jira dad hindhisa marka ay aad u dhergaan, waana xaalad uu caafimaadku afka qalaad ku yidhaahdo ‘Snatiation’