Qoraallo Wacyigelin Ah Oo Ay Iska Kaashadeen Komishanka Qaran Ee Mihnadaha Caafimaadka (NHPC) Iyo Wargeyska Geeska Afrika

Published on Apr 05 2014 // Warar

Qoraallo Wacyigelin Ah Oo Ay Iska Kaashadeen

Komishanka Qaran Ee Mihnadaha Caafimaadka

(NHPC) Iyo Wargeyska Geeska Afrika

Haddii aad hayso qiso run ah oo muujinaysa dhibta caafimaad ee

dalka ka jirta fadlan ku soo hagaajii geeska2006@yahoo.com

Iyada oo ay marka horeba liiteen adeegyada caafimaad ee Somaliland ay ka dhaxashay gumaystihii iyo dowladihii rayidka ahaa ee talada qabtay gobonnimadii 1960kii kadib ayaa waxaa uga sii daray taliskii Askarta iyo halgankii 20ka sano ahaa ee madaxbannaanida oo ay ku burbureen intii yarayd ee jirtay cisbitaallo iyo xarumo caafimaad, sababna u noqotay in qaar badan oo mihnadlayaashii caafimaadka ka mid ahi ay dalka dibadda uga baxaan ama u baydhaan shaqooyin kale.

Guushii halganka iyo ku dhawaaqistii madax-bannaanida ee 1991kii waxa ay ummadda Somaliland bar-bilow ka soo unkeen dhinacyadii kala duwanaa ee guud ahaanba nolosha gaar ahaan adeegyadii bulshada ee caafimaadku ugu horreeyey, waxase ka hor imanayey caqabado badan iyo turaan-turooyin u baahan dhabar adayg, aqoon iyo dhaqaale loo huro. Caqabadahaas oo ay ka mid ahayd nidaam waxbarasho iyo kulliyado caafimaad oo soo saara dhakhaatiir cusub oo aan jirin iyo tan uguba daran oo ahayd mihnaddii caafimaadka oo ku dhacday shuruuc la’aan sababtay in nidaamku ka qasmo khasaare badan naf iyo maalba lihina ka yimaaddo. Mihnadlayaasha caafimaadka oo marka horeba aad uga yaraa inta loo baahan yahay, ayaa nasiib darro, iyaduna tiradii yarayd ee jirtayna waxaa ku hoos dhuuntay shaqaale badan oo aan xirfaddoodu gaadhsiisnayn heerkii ku habboonaa in ay daryeel cafimaad u fidyaan bulshada reer Somaliland.

Dhismihii Somaliland waxaa la bilowday rugo badan oo caafimaad iyo meherado u eeg kuwa ganacsiga ee caadiga ah oo bixiya adeegyo caafimaad, shaqaalaha joogaana aanay aqoon caafimaad lahayn ama gaadhsiisnayn heerka adeegga ay bixinayaan looga baahan yahay, sidoo kale goobo waxbarasho oo aan lagu dhererin hal-beegga saxda ah ee looga baahan yahay dugsiga caafimaadka ayaa iyaguna sii cakiray xaaladdii awalba xumayd ee caafimaadka dalku marayey. Qaar badan oo ka mid ah dugsiyadaas iyo mac-hadyadaas gaarka loo leeyahay ee barashada caafimaadka oo aan aqoonsi ka haysan hay’adaha qaranka ee ay khusayso ayaa illaa hadda wada in ay soo saaraan arday lacago badan u hurtay, waqti dheerna u soo samrayey oo haddana aanay siinayn shahaadooyin dowladdu aqoonsan tahay, ama qaarkood aanay gaadhsiisnayn heerkii aqooneed ee saxda ahaa. Tayada adeegga ay bixiyaan rugaha iyo cisbitaallada gaarka loo leeyahay ayaan lahayn hal-beeg lagu qiyaaso iyo cid la xisaabtanta midna, dawooyinkii oo ay ku jiraan kuwo badan oo been-abuur ah, ama ay sameeyeen warshado aan dunida laga aqoonsanayn ama tayadooda aanay cidi ogeyn ayaa sida badeecadaha caadiga ah loogu iibiyaa macdaarro suuqyada iyo xaafadaha ka furan. Dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin ayaa sii xumeeyey xaaladdii caafimaad ee dalka ee marka horeba ulaha boocda ah ku tukubaysay, waxaana dhacay xad-gudubyo khatar ah oo meel lagaga dhacay xuquuqdii bukaanka, qaar badan oo ka mid ahina naftooda ayaabay ku waayeen ama waxa ay u naafoobeen adeeg-xumo caafimaad iyo farsamo xumo mihnadle caafimaad oo aan aqoon lahayni uu ku kacay.

Waxaa hubaal ah in dhibtani ay taabatay muwaadin kasta carruur iyo cirroole, iyo mansab kasta oo ay joogaanba, ruux kastaana uu dareensan yahay in la gaadhay xilligii lala xisaabtami lahaa mihnadlaha caafimaad ee ka hawlgala Somaliland muwaadin iyo shisheeye ka uu doonaba ha noqdo ee. Xaaladduna faraha ayaa ay ka baxaysaa haddii maanta oo aan berri ahayn, aan si adag loo dhaqan gelin shuruuc iyo xeerar ku habboon oo dib-u-habayn, horumarin, wanaajin iyo casriyeyn ku sameeya adeegga caafimaad ee bulshadeennu helayso iyo cidda fulinaysaba, si aanay u sii riiq dheeraan una sii baahin dhibaatada muwaadinka reer Somaliland ka haysata adeegyada caafimaadka, nafo badan oo aanu dalku ka maarminna halis ayaa ay sii geli doonaan. Si taasi u suurto gashana waxaa lagama maarmaan noqonaysa in la helo nidaam iyo sharci ka caawiya guud ahaan dowladda Somaliland iyo gaar ahaan wasaaradda caafimaadka iyo Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadku in ay toosiyaan qaladaadka jira, wixii dambana ka hor tagaan.

Komishanka Qaran ee Mihnadaha caafimaadka (NHPC):

Sannadkii 2001kii ayaa baarlamankii Somaliland ee xilligaasi uu ansixiyey xeer unkayo Guddi heer qaran ah oo masuul ka noqota diiwaan-gelinta, keydinta, rukhsad siinta iyo anshax marinta mihnadlayaasha caafimaadkka; ansixinta adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka iyo ogolaansho siinta rugaha iyo barnaamijyada bara mihnadlayaasha caafimaadka; oo looga jeedo qof kasta oo aqoon u leh adeegyada caafimaadka dadka, dawooyinka, qalabka shaybaadhidda iyo wax kasta oo la xidhiidha caafimaadka iyo fayo-dhowrka oo guddidu aqoonsan yahay. Waxa aanu dabagal iyo kormeer joogto ah ku samaynayaa goobaha bixiya adeegga caafimaadka ama lagu barto aqoonta caafimaadka. Waxa uu hubinayaa shahaadooyinka caafimaadka, waxa aanu go’aan ka gaadhayaa furidda kulliyadaha caafimaadka.

Guddida Qaran ee mihnadlayaasha caafimaadku waxa uu ka kooban yahay laba waaxood oo kala ah; Waaxda agaasinka fulinta iyo Guddida Qaranka oo ka kooban 13 xubnood  oo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa uu soo magacaabo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, guddoomiyaha maxkamadda sarana xilka u dhaarinayo. 11ka xubnood ee kale waxa ay ka kooban yihiin; Wasaaradda caafimaadka, wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, xeer-ilaalinta guud ee qaranka, hay’adda qaranka ee dhowrista tayada, ururka dhakhaatiirta Somaliland, ururka kal-kaaliyeyaasha iyo umulisooyinka, ururka shaybaadhada, ururka farmasiieyda, kulliyadaha caafimaadka, kulliyadaha iyo mac-hadyada kal-kaaliyeyaasha caafimaadka iyo umulisooyinka, iyo xubin ka imanaysa rugta ganacsigu.

Guddidan oo ku dhisan xeer Lr. 19/2001 wax ka beddel iyo kaabis la ansixiyeyna lagu sameeyey sannadkii 2012ka, waajibkooda ugu weynina waa in ay hubiyaan in mihnadlayasha caafimaadka, xarumaha adeegga caafimaadka, sida cisbitaallada iyo farmasiyada, iyo mac-hadyada, dugsiyada iyo kulliyadaha barashada caafimaadku ay gaadhsiisan yihiin heerkii laga filayey, si muwaadinka Somaliland uu u helo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Komishanka Qaranka ee Mihnadaha Caafimaadku (NHPC) tan iyo markii la aas-aasay sannadkii 2001da, waxa uu ka soo gudbayey caqadabo iyo taakooyin kala dambeeyey mid kastaana dhibtiisa iyo dib-u-dhiciisa keenayey, waana sababta keentay in ay fadhiid noqoto illaa sannadkii 2006-da, markaas oo ay dib u kulmeen daneeyeyaal reer Somaliland ah,  mar labaadna ku nuux-nuuxsadeen baahida weyn ee loo qabo hay’ad leh awood sharci oo ay ku maamusho kuna xakamayso mihnadlayaasha caafimaadka.

Sannadkii 2008dii waxaa la sameeyey dadaallo dib boodhka loogaga tumayey Guddida Qaran ee Mihnadaha caafimaadka, dib u habayn badan iyo wax-ka-beddel iyo kaabis ayaana lagu sameeyey nidaamkii shaqo iyo maamul ee hay’adda, si loo yareeyo hagar daamooyinkii hore u dhacay loogana faa’idaysto waayo-aragnimo ahaan. La soco qayb kale iyo cadadka Salaasada (Idan Alle)…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!