Qoraallada Lagu Faafiyey Barkulannada Bulsho Ee Internet Ku Waxa Ay Saamayn Xun Ku Leeyihiin Maskaxda Iyo Awoodda Qoraal Ee Qofka

0
516

Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in waxa aad ka akhrido internet ku uu saamayn ku leeyahay wanaagga waxa aad qorayso, waxa aanay hoosta ka xariiqday in akhriska qoraallada sida daciifka ah u qorani ay qoraalkaaga ka dhigayaan mid liita.

Cilmibaadhis tijaabadeeda lagu sameeyey 65 ruux oo da’doodu u dhexeyso 23 illaa 42 sano jir, natiijadii ka soo baxdaya ay bishii hore faafisay majaladda caalamiga ah ee ka faalloota arrimaha maamulka ganacsiga ayaa daahfurtay in qoraallada dadku ku baahiyaan barkulannada bulsho ee internet ku haddii aad loo akhriyo ay saamayn joogto ah ku leeyihiin maskaxda iyo awoodda garasho ee qofka, sidoo kalana saamayn ku leeyihiin aqoon korodhsiga qofka.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay iftiimisay in dadka aad u akhriya qoraallada tayadooda iyo nuxurka ay xambaarsan yihiin yar yihiin ee lagu faafiyo Facebook iyo barkulannada la mid ah, Qoraallada af-suuqa ah ama hadallada hab-qoraalkooda la beddelay, iyo sidoo kale faallooyinka, sheekada iyo muranka aan cilmiga ahayn ee shabakadahani ay inta badan yihiin kuwo ay ku yar tahay awoodda qoraal iyo aqoonta luuqadeed ee afka ay ku qoran yihiin, sidaa awgeed ay qofka muddo akhriya ugu dambaynta isagana ku yeeshaan saamayn ah in luuqaddiisa iyo hab-qoraalkeedu ka khalkhalaan.