Qoraal Aan Qiimihiisa La Dareemin Oo Caafimaadka Iyo Hawl Gudashada Shaqo Ee Qofka Kordhiya

21
2717

 

Washington (Geeska)- Waxaa in badan dhacda in qofku uu lumiyo u fiirsiga iyo soo jeedka maxkaxeed ee ku aaddan hawlgudashada, sababtuna ay tahay maskaxda oo ku mashquusha fikirro iyo hawlo kala duwan oo ka dhex guuxaya. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in qofku uu shaqadiisa maalinnimo bilaabo iyada oo ay maskaxdiisa u jiraan hawlo kale oo sugaya; gaadhigu waxa uu u baahan yahay maydhis iyo in aad saliidaha ka beddesho, warbixin sannadeedkii weli ma’aad qorin, jaamacaddu waajibaadkii ay kaa sugaysay ma’ aad dhammaystirin, hawshii aad saaxiibkaa hebel isku ogeydeen ballanteedii waa la joogaa, iyo tobannaan hawlood oo la mid ah ayaa maskaxda ka dhex guuxaya, sidaa awgeed qofku shaqadiisa subaxdaa uma qabsan karo iyada oo maskaxdu si buuxda ugu soo jeedda.

Haddaba haweenayda qoraaga ah ee Julia Cameron ayaa dhowaan soo bandhigtay xalka ugu habboon ee arrinta lagu dhammayn karo, kaas oo marka aynu erey keliya ku sheegno ah, “Subaxda wax qor”

Qor maskaxdaada ha ka baxdo ee:

Qoraaga Maraykan Julia Cameron ayaa buuggeeda ‘The Artist’s Way’ oo soo baxay sannadkii 1992 kii, waxa ay markii ugu horreysay kaga hadashay fikirka ah in qofku subaxda hore shaqada ka hor qoro waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya oo dhan. Waxa aanay noqotay aragti soo jiidata dadyow aad u tiro badan oo dunida oo dhan ah, maadaama oo loo arkayo hab fudud, oo midho dhal ah.

Waxa ay buuggeeda ku qortay; “Marka aad hurdada ka toosto inta aanad sariirta ka kicin, qor qoraal saddex bog ah, oo aad dhammaantii qalin iyo warqad gacantaada ku qortay, qor wax aad doonays? Waxa uu doono ha noqdo, wax kasta. Xeer gaar ah iyo nidaam aad u raacdo oo ku qabanayaa yaanu jirin” ayaa ay qortay Julia. Iyada oo sii faahfaahinaysana waxa ay qortay, “Subaxdii waxa aad qoraysaa waa sheekooyin dhaadheer oo ah wax kasta oo maskaxdaada ka guuxaya, qasab ma’aha in ay noqdaan suugaan ama in aad nidaamiso qoraalka, xitaa far qurxin looma baahna. Waa keliya bogag lagaa rabo in aad ku xariiqdo wax kasta oo maskaxdaada ku soo dhaca. Wax macnadarro ah, doqonniimo ah, la yaab leh iyo wax kasta kii uu doono ha noqdo. Waayo ujeedada laga leeyahay oo dhan ayaa ah in maskaxda laga soo saaro wax kasta oo macna-darro iyo doqonniimo ah  ama fikirro aan habboonayn ah oo ka mashquulin lahaa in hawlmaalmeedkeeda ay u gudato si habboon.

Qor warqaddaas oo kaddibna inta aad gal ku xidho meel ku ridi, waa laga yaabaa in aad bilo kaddib xiiisayso in aad dib u akhrido, waa se haddii aad adigu sidaas xiisayso, waayo muhiim ma’aha in aad dib u akhridaa. Waxa uun taladaydu tahay in aad dhigto meel aanay dadka kale arki karayn” ayaa ay tidhi Julia Cameron.

Waxaa laga yaabaa in qofku waqti lumis iyo faa’iido darro u arko qoraalka subaxnimo ee aynu ka soo warannay, laakiin waah ab cilmi sugan ah oo maskaxda lagaga soo faaruqin karo wax kasta oo ay ka fikirkeeda ku mashquuli lahayd, oo laga yaabo in uu shaqada ka jeediyo.

Habeenkii

Waxa kale oo uu cilminafsigu ina barayaa in qofka oo habeenkii inta aanu seexan sii qorta hawlaha u yaallo maalinnimada marka uu tooso, in ay tahay hab fiican oo uu qofku ku yarayn karo warwarka iyo mashquulka maskaxdu kaga fikir lahayd hawlaha tirada badan ee berri sugaya iyo sida ay tahay in uu u kala horreysiiyo. Marka ay maskaxdu dareento in hawsheeda berri ay nidaamisay oo aanay warwar lahayn waxa ay awood u yeelanaysaa in ay dhaqso u seexato iyo in ay hurdo fiican seexato.

Cilmibaadhis kale ayaa iyaduna daahfurtay in qofka oo qora dhacdo culays iyo daal maskaxeed ku keenaysaa ay ka yarayso warwarka iyo walbahaarka, gaar ahaan waxa ay daraasaddu sheegtay in qoraalka waxa maskaxda ka dhex guuxayaa uu u fiican yahay dadka aan jeclayn in ay dareenkooda runta ah sheegaan, waxa aanu u yahay nafsi.

Ugu dambayntii marka aynu soo koobno natiijada cilmibaadhisaha lagu sameeyey faa’iidada qoraalka waxa maskaxda qofka ka dhex guuxaya, iyo sida oo kale qoraalka buuggan ee Julia. Waxaa inoo soo baxaysa in habeenkii inta aan la seexan oo la qoro halwaha maskaxda ku jira ee berri qabashadooda la rabaa in ay sababto maskaxda oo uu wawarku ka yaraado hurdo aan ka fikirka arrimahaasi mashquulinna gasha, halka qofka oo subaxdii marka uu kaco qora wax kasta oo maskaxdiisa ku jira, cadho, farxad iyo shaqo intaba, ay sababto in uu maalintiisa shaqo ku bilaabo fasax iyo isaga oo gartayma oo aan cadho iyo warwar midna qabin. Shaqada u taalla iyo sida ay u kala horraysaana u cad yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here