Qofku Cunto La’aanta 2 Toddobaad Ayaa Uu U Adkaystaa, Laakiin Hurdo La’aan 10 Maalmood Ahi Waa Dhimashadiisa

0
763

Hurdadu waxa ay ka mid tahay baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha aadamaha, khalkhal ku yimaaddaana waxa uu si weyn u dhaawacaa nolol maalmeedkeenna. Sida caadiga ah qofku cimrigiisa saddex meelood meel waxa uu ku qaataa hurdo, waana halka ay ka timid fikrkadda ah in uu 8 saac habeenkii seexdo iyada oo laga duulayo in maalintu ay 24 saac tahay oo saddex meelood meel noqonayso 8 saac. Qofka oo muddo dheer caadaysta hurdo yaraan ama muddo hurdo la’aadaana waxa ay marar badan keentaa dhimasho.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa ay sheegaysaa in baahida uu qofku u qabo hurdadu ay la mid tahay baahida uu cuntada u qabo, cilmibaadhiso kala duwanna waxa ay caddaynayaan in qofku uu awoodo in uu laba toddobaad cunto la’aan ku noolaado, laakiin shardigu uu yahay in uu biyo cabbayo muddadaas, halka aanu qofku ka awoodi karin in uu toban maalmood wax ka badan noolaado haddii si buuxda looga mamnuuco hurdada.

Haddaba haddii aad doonayso in aad hurdo fiican seexato, waxa ay xeeldheerayaashu kugula talinayaan in aad raacdo tallaabooyinka fudud ee hoos ku xusan.

1. Wax caadayso hurdada ka hor: Caado ka dhigo shay aad samayso maalin kasta hurdada horteed oo aad waqti go’an uun samayso, waddana, inta aanad seexan. Tusaale ahaan habeen kasta hurdada ka hor, wax khari, ama sii maydho hurdada ka hor, ama koob caano ah sii cab, iwm.

2. Waqti go’an seexo oo soo toos: Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku uu yeesho saacad go’an oo uu habeenkii seexdo iyo saacad go’an oo uu subaxdii tooso, xitaa haddii uu fasax ku jiro oo aanay shaqo uu u kacaa u oollin.

3. Naso cawayskii: Isku day in aad goor hore oo cawayska hurdada ka hor ah nafta nasiso iyada oo soo jeedda. Tusaale ahaan in aad maskaxda ka saarto wax kasta oo laga yaabo in uu saamayn taban ku yeesho neerfayaashaada, ama maskaxdaada mashquul ku hayo, ama fikir iyo warwar kugu haya. Waxaas oo dhan iska saar hurdada ka hor.

4. Abuur jawi deggen, gaar ahaan qolka hurdada: Waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu qolkiisa hurdada ka dhigo mid xasiloon, jawigiisuna deggenaanshiyo muujinayo. Tusaale ahaan daahyadu ha u sii wada deysnaadaan qolka, ku dadaal in qolka aad ka saarto dhammaan aaladaha korontada iyo tiknoolajiyadda, sida kombiyuutarka, Talefishanka, iwm.

Waxaa fiican in jawiga qolka hurdadu uu qabow aad ah noqdo, oo qabowgu waa uu ka hurdo fiican yahay kulaylka, waana in uu sidoo kale furaashku noqdaa mid ku habboon hurdo.