Qofka Maqalkiisu Oo Bed-qaba Barta Afdhegoolku Waxa Uu Helaa Faa’idooyin Ay Ka Mid Tahay In Maskaxdu Yeelato Awood Ay Dhaqso Uga Jawaab Celin Karto Waxa Ku Xeeran

0
654

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in barashada afdhegoolka ay suurtogal tahay in faa’idoyin caafimaad u yeelato dadka qaangaadhka ah ee iyagu nimcada maqalka Alle ku galladay, sababahana waxaaka mid ah in afkan ishaarooyinka ahi uu inta badan maskaxda ku tababaro in ay jawaabcelin dhaqso ah ka bixiso aragtida ku xeeran, gaar ahaan in dareenka qofku milicsiga ishaba wax kaga jawaab celiyo.

Cilmibaadhistan Geeska Afrika turjumay oo natiijadeeda lagu qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa intaas ku dartay in jawaabcelinta maskaxdu dhaqso uga bixiso shay ay ishu uun ku dhacday oo si fiirsi leh loo sii eegin, xaaladdaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Peripheral Vision

Cilmibaadhistan oo ay samaysay waaxda cudurrada aragga ee jaamacadda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in dadka qaangaadhka ah ee barta afka ishaarooyinka ah ay saamayn togan caafimaad ahaan ku yeelato aragtidooda.

Dr. Charlotte Codina oo bare ka ah jaamacadda Sheffield ayaa isaga oo arrintan sharraxaya sheegay in ay aad ula yaabeen sida dhaqsaha ah ee hadalka caadiga ah u beddela afka ishaarooyinku ay ula socdaan ugana dareen celiyaan hadalka uu sheegayo qofka ay ka turjumayaan.

Khubaradu waxa ay sheegeen in afdhegoolku kor u qaado baraarugsanaanta iyo weliba firfircoonaanta maskaxda iyo aragga labadaba, taas oo saamayn togan oo la dareemi karo ku yeelata baabuur kaxaysntiisa ama feejignaanta iyo go’aan qaadashada dhaqsaha a hee laga ramo maskaxa xilliga ciyaarta uu qofku ku jiro ama ciyaaraha kubadda cagta garsooraha ka yahay. Waxaa iyaduna kor u kacda feejignaanta dhinaca aragga oo ay dhacdo in qofku aragti duleed oo keliya uu ku fahmo waxa socda, halka laga yaabo in qofka aan afkan aqoonta u lahayn uu u fiirsi iyo muddo in uu eego ama aragga ku yara celceliyo u baahdo, mararka qaarkood.

Cawil naqa dareennada la waayo:

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu ku sheegeen daraasadahoodan uu Geeska Afrika soo xiganayo, in haddii qofka ay ku dhacdo in mid ka mid ah shantiisa dareeme uu waayo, sida in uu dhego beelo, ay dareemayaasha Afarta ah ee soo hadhay awooddoodu aad u korodho. Daraasad soo baxday sannadkii 2011-ka ooo lagu faafiyey Joornaalka Neuroscience ayaa caddaysay in dadka ku dhasha dhego la’aanta ay leeyihiin awood Rabbaani ah oo maskaxdooda qaybo ka mid ahi ay u shaqaynayaan sidii uu qofku ugu xidhmi lahaa codadka ku xeeran ee aanu sida caadiga ah maqlayn, taasina ay keenayso in aragga iyo dareenka taabashaduba si awood badan u shaqeeyaan si ay in uun u daboolaan baahidii ku wada maqnayd maqalka.