Qodobo Laga Soo Saaray Shir Uu Xisbiga Waddani Qabsaday

0
563

Hargeysa(Geeska):-Kulan ay maanta iskugu yimaadeen madaxda iyo qeybo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay kaga arrinsanaayeen khatarta uu yeelan karo heshiiskii saldhiga Milatari ee laga ansaxiyey Baalamaanka Somaliland iyo weli ba sida oo kale talaabooyinka la gudboon ee ay ku wajahayaan xaaladdaasi, waxa kale oo ay baaq ugu direen madaxweynaha iyo Golaha Guurtida Somaliland in ay hir-geliyaan wakhtigii loo muddeeyey qabsoomidda Doorashada Somaliland. Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay Murshaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee Xisbigaasi, hoggaamiyaha Xisbiga, xoghayaha guud, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, qurba-joog iyo weli ba sida oo kale taageerayaal aad u tira badan, ayaa waxa ay halkaas kaga doodeen sida oo kale na ay ku gorfeeyeen tallaabooyinka ugu habboon ee ay doonayaan in qaadaan iyo weli ba sida oo kale guddiyo ay u saareen in ay soo qiimeeyaan khatarta iyo dhibbaatada shacabka iyo dalka Somaliland ba kaga iman karta saldhiga Milatari ee Imaaraadka.

Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo la hadlay warbaahinta ka dib markii uu kulankaasi soo idlaaday, ayaa waxa uu ugu horreyn ka hadlay qodobada ka soo baxay shirka, waxaana si adag looggu cambaareeyey jidilkii xildhibbaanada iyo weriyeyaasha looggu geystay ansaxintii saldhiga Madaarka, isaga oo sida oo kale baaq khuseeya arrimaha Doorashooyinka u diray Madaxweynaha Somaliland iyo Golaha Guurtida.

“Haddaanu nahay WADDANI, waxa aanu idiin soo bandhigeynaa go’aamo ka soo baxay shir uu yeeshay Xisbiga WADDANI oo wada yeesheen hoggaankiisa, madaxdiisa iyo taageerayaashii Xisbiga ee ay yeesheen maanta oo taariikhdu tahay 14/02/2014, waxa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran oo aanu doonayno in aanu gaadhsiino shacabka Somaliland.  Xisbiga WADDANI, waxa uu si adag u cambaareynayaa afduubkii ka dhacay Baarlamaanka jamhuuriyadda Somaliland, lagu na tuntay distoorkii qaranka lana xidhay xildhibbaanaddii ay umaddani soo dooratay ee xasaanadda lahaa ee la xidh xidhay iyo weli ba sida oo kale saxaafaddii madaxa-bannaaneyd ee inta ba sida qeyrul sharciga ah looggu diiday in ay cabiraan fakirkooda iyo wixii ay qabaan iyada oo waxa ay codsanayeen ay ahayd uun in heshiiskii la keeno Golaha iyo waxa umadda loo sheegayo oo golaha la soo hordhigo.”.Ayuu yidhi Md.Uurcadde

Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi: “Xisbiga WADDANI, waxa uu dhammaan taageerayaashiisa uu ugu baaqayaa joogteynta iyo dar-dar-gelinta hawlaha Xisbiga maadaama uu yar yahay wakhtiga ka hadhay xilliga Doorashada. Xisbigu waxa uu ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Golaha Guurtida ba in la soo saaro go’aankii meel marinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland ay isku raaceen asxaabta qaranka iyo guddida Doorashooyinka Qaranka iyo xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland. Xisbiga WADDANI, waxa uu kordhinayaa abaabulka iyo wacyi-gelinta shacbiga si loo gaadhsiiyo barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI iyo mawqifka Xisbiga ee diidmada saldhiga Milatari ee la siinaayo dal shisheeye. Xisbigu waxa uu kordhinayaa wacyi-gelinta iyo abaabulka laamaha dibadda ee Xisbiga WADDANI,  Xisbiga WADDANI, waxa uu sameynayaa qoraal iyo maqal uu ka sameynaayo wixii ka dhacay Golaha Guurtida ama xarunta Baarlamaanka, waxaana uu u magacaabayaa guddid hawshaas si qoto dheer u soo baadha.”.

 Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay: “Xisbiga WADDANI, waxa uu sameynayaa guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baadha jiritaanka heshiiskii dhex maray jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka, loona soo bandhigo shacbiga reer Somaliland, iyada oo Baarlamaanka Somaliland la soo hordhigay waraaq madhan oo aanay jirin wax ku qorani oo weli ba aan heshiis iyo wax u eeg toona ahayn. Xisbiga WADDANI, waxa uu sameynayaa doodo furan oo laga ga hadlaayo saldhiga Milatari oo la siiyo dal shisheeye iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland, kuwaasi oo dhammaantood u furan dadka reer Somaliland, aqoon-yahan, waayo-arag iyo cid walba oo reer Somaliland ah, waxa kale oo aanu sameynaynaa guddiyo kala duwan oo haddii loo baahdo si qoto dheer u sii baadha arrintaas.”.