Qodobada Xiisaha Leh Ee Ku Xeernaa Shirweynihii KULMIYE, Dareenadii Saylici Iyo Muuqaaladii Is Qarin Waayay Ee La Macnaystay

0
779

Picture4Hargeysa(Geeska)-Iyadoo uu shirweynaha xisbiga KULMIYE shalay si rasmi ah u furmay, ayaa waxa madashii shirka laga dareemayay qodob soo jiidanayay indhihii ka qayb galayaasha shirka.

Shirweynaha KULMIYE, oo dhawr goor uu dib u dhac ku yimid, waxa laga dareemayay xoogay shaki ah oo ay dadka qaarkii qabeen, kaas oo ahaa in buuq siyaasadeed si fudud u istaadhmi karo, laakiin wax buuq ah oo la sheegi karaa shalay kama dhicin shirweynaha, waxaana la arkayay ciidamo tiro badan oo ku teedsanaa agagaarka madasha uu shirku ka socday. Sidoo kale gudaha hoolka uu shirku ka socday waxa lagu arkayay ciidamo badan, dadka qaarkiina waxay ciidamadaas ku macneeyeen kuwo loogu tallo galay inay damiyaan buuq kasta oo soo baxa, halka dad kalena tilmaamayeen inay ciidamadu sugayeen ammaanka shirka.

Dhacdada kale ee dadweynihii shirka ka qayb galay aad u soo jiidatay ayaa ahayd habsankii ku yimid imaanshihii madaxweyne xigeenka ee shirka. Madaxweyne-xigeen Saylici ayaa shirka yimid wakhti dheer ka dib markii uu madaxweyne Siilaanyo goobta tagay, waxaanay dadka badankiisu isla dhex marayeen in madaxweyne xigeenku cadho dhinaca saami qaybsiga beelaha ah ku maqnaa islamarkaana uu shirka ku yimid lad-qabo ay kooxo wasiiro ahi ugu tageen. Sidoo kale waxa furitaankii shirka ka maqnaa inta badan ee ergada gobalka Awdal shirka uga qayb galaysa. Laakiin madaxweyne-xigeen Saylici oo ay weheliso xaaskiisa iyo qaar ka mid ah ergadii gobalka Awdal ayaa markii dambe shirka yimid, waxaana wejiyadooda laga akhrisan karayay sababta ay u maqnaayeen.

Waxyaabaha ay dad badani ku si xaqiiqsadeen dareenka cadhada leh ee madaxweyne-xigeenka, ayaa ahayd markii uu madaxweyne Siilaanyo oo khudbadda u soo kacay uu Saylici kaga hadhay kursigii ay wada fadhiyeen, waxaana bedelkiisa madaxweyne Siilaanyo hareero istaagay qaar ka mid ah wasiiradii shirka joogay iyo guddoomiyaha KULMIYE, waxaanu madaxweyne xigeen Saylici intii uu madaxweynuhu khudbada waday uu ku sugnaa kursigiisii.

Qodob kale oo isna shalay si weyn shirka looga dareemay ayaa ahaa qaabka ay ergada badankoodu u kala fadhiday oo loo arkayay qaab beeleed, maadaama oo xulista ergada shirweynaha lagu saleeyay qaab beeleed. Beel walba waxa ay ergadeedu u muuqdeen inay kuraasi isku xidhiidhsan amaba isku dhow ay fadhiyeen. Xisbiyada mucaaradka ayaa hore xisbiga KULMIYIE ugu eedeeyay inuu xaaladda siyaasadeed ee dalka dib ugu celiyay sagaashamaadkii.

Qabyo ayaa iyana ka muuqatay abaabulka shirka, gaar ahaan dhinaca Baratalkoolka, waxaana mar keliya lagu war helay guddigii qaban qaabada shirka oo markii ay warbixinahooda dhammeeyeen sii wadda hoggaaminta shirka, iyadoo markii dambe si hal-ka-haleel ah  looga joojiyay hoggaamintii shirka islamarkaana loo doortay hoggaanka shirweynaha oo noqday wasiirada gaashaandhiga iyo arrimaha dibadda, kuwaas oo u muuqday in banaanka lagu soo dhammeeyay inay noqdaan shirguddoonka shirweynaha KULMIYE.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay dad badani isha ku hayaan shirka maanta ee xisbiga, kaas oo lagu dooran doono hoggaanka xisbiga, waxaana la eegayaa bal sida ay doorashadu u dhacdo.